Soomaaliya waxay u baahan tahay hannaan doorasho
Soomaaliya waxay u baahan tahay hannaan doorasho oo mideysan shacabka, taageera nabadda, una horseeda horumar sidaas darteed, ma aha in mar walba la isku qabsado doorashooyinkii la sugaayey inay keenaaan isbeddel, balse waa in la dhisaa kalsooni iyo sharci la wada aqbalo sharci doorashada oo La Isla Ogyahay waxaa lama huraan ah in la helo sharci doorasho oo cad, oo qeexaya qaabka, waqtiga, iyo cidda qabaneysa
Wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed madaxda
Wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed madaxda waa inay ka fekeraan maslaxadda qaranka kana tanaasulaan dano gaar ah dib-u-habeyn lagu sameeyo 4.5 si loo helo nidaam caddaalad ah, waxaa muhiim ah in la baddalo nidaamka 4.5 loona gudbo nidaam matalaad dhaba ah oo ku saleysan tirada dadka taasi waxay keentaa fursad uu qof walba u adeegsado si uu danihiisa ugu meel mariyo
Nidaamka doorasho ma aha mid lagu heshiiyey
Nidaamka doorasho ma aha mid lagu heshiiyey dhammaan hay’adaha siyaasadda madax bannaanida Maamul Goboleedyada tan iyo markii la qaatay nidaamka Federaalka, Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada mar walba kuma heshiin habka ay doorashadu u dhaceyso, gaar ahaan cidda qabaneysa, meesha ay ka dhaceyso iyo cidda xaqa u leh inay ka qeyb gasho
Sidoo kale amniga iyo dhaqaalaha dalka waa tiirarka horumarka haddii aan wax laga qaban, mustaqbalka jiilasha soo koraya halis ayuu ku jiraa Somalia waxay u baahan tahay hoggaan ku shaqeeya hufnaan iyo isla-xisaabtan waa waqtigii la shaacin lahaa jadwal cad oo doorashooyin Dib-u-dhaca iyo ka-muquurashada dejinta ajandaha doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo doorashada madaxweynaha Faragelinta dibadda iyo saameynta ay ku leedahay go’aannada dowladda federalka
Madaxweyne xasan sheekh wuxu ogyahay inaanay doorasho dhacayn putland iyo jubaland la`aantood laakin wuxuu damacsanyahay inuu fidno iyo khilaaf ka dhex abuuro umada somaliyeed si dib loogu dhigo doorashada oo uu sidaa kusii hayo hogaanka umada somaliyeed shacabka somaliyeedna madoonaayaan siyaasada uu xasan sheekh ku hogaaminayo dalka kamana raali aha falalka uu ku doonaayo in uu ku afdoobto doorashada
Xasan sheekh wuxuu damacsanyahay inuu mar sadexaad dalka hogaamiyo laakiin falalka uu kula kacay shacabka afartii sano ee lasoo dhaafay iyo wax qabad la`aanta awgeed ilamaaha inuu mar sadexaad ku guulaysan madaxtinamada hadaanu qaab sharci darro ah ku soo noqon

2 Comments
Shacabka somaliyeed way diideen inuu xukunka sii joogo xasn sheekh waxay u baahan yihiin isbadal dhab ah
ReplyDeleteSoomaaliya waxay u baahan tahay hannaan doorasho oo mideysan ee uma baahna doorasho boob ah
ReplyDelete