Xasan Sheekh Maxamuud oo dowladda Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay mid guul-dareysatay



A C -WARA

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay qorshihii dowladda Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah balse aysan ku guuleysan inay dalka ka qabato.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo aysan qaban Shaqadii loo igmaday, islamarkaana dalka uu joogo meeshii uu uga tegay taasina ay muujineyso in dhawaan la qabanayo doorasho dadban.

“ In meeshii 2016 aan joogno waxaa kalifay in Shaqo la qaban waayay oo horumar siyaadadeed dalka uusan gaarin oo ay aheyd in horay loo socdo, waxaana nasiib xumo ah in dowladda aysan wax horurmar ah sameyn Afartii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaan waxaa uu sheegay xilli uu wareysi siiyay Tv-ga A C Soomaali  ee ka howlgalla Magaalada Muqdisho..

Post a Comment

0 Comments