Mucaaradka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay
Mucaaradka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ku adkaystay inuu maalinta berrito ah dhicidoono bannaanbaxa ay kaga soo horjeedaan waxay ugu yeereen barakacinta iyo burburinta ka socota caasimadda, iyagoo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay si xoog ah uga rarayso shacabka deegaannada ay deggenaayeen
Xildhibaan Cabdiraxmaan Warasame oo kamid ah
Xildhibaan Cabdiraxmaan Warasame oo kamid ah siyaasiyiinta horboodaya mudaharaadka dowladda looga soo horjeedo, ayaa sheegay in bannaanbaxu yahay mid nabadeed oo uu tilmaamay in lagu difaacayo dadka la barakiciyay bannaanbaxaas waa mudaharaad nabadeed
Waa mudaharaad looga soo horjeedo barakicinta
Waa mudaharaad looga soo horjeedo barakicinta iyo boobka dhulka shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagoo ku andacooday in boqolaal kun oo qof laga raray guryahoodii iyo goobihii ay ku ganacsanayeen waxa uu sidoo kale shacabka ugu baaqay inay kasoo qayb galaan isu soo baxyada, gaar ahaan dadka laga raray deegaannada ay deggenaayeen
Isagoo sheegay in “qof walba meeshii laga barakiciyay uu ku laabto si uu xuquuqdiisa u muujiyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhankiisa sheegay in bannaanbaxyadu ay sii socon doonaan ilaa dadka cabanaya ay helaan xuquuqdooda Bannaanbax berri keliya ah ma aha. Waa soconayaa ilaa dadka dhibbanayaasha ah ay xuquuqdooda helaan,” ayuu yiri Kheyre
Kheyre ayaa dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay cabburin iyo xarig loo geysto dhalinyarada iyo dadka ka aragtida duwan dowladda, isaga oo ciidamada ammaanka ugu baaqay inaan loo adeegsan shacabka bannaanbaxaya ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna sheegay in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay “u istaagaan difaaca dadka la barakiciyay
Qof kasta oo muwaadin ah oo damqasho ku hartay bari waa maalin loo soo bannaanbaxayo,” ayuu yiri Rooble, isagoo ku tilmaamay magaalada Muqdisho “magaalo ku suntan nabad iyo soo dhoweyn” balse hadda ay jiraan “dad yar oo isku dayaya inay boobaan hantida shacabka
Dhanka kale, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah guddoomiyaha Golaha mucaaradka ee Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in sannadkan uu noqday “sanad ku suntan boob iyo barakicin
Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda ku eedeeyay inay ku fashilantay joojinta burburinta guryaha iyo rarista dadka danyarta ah, isaga oo sheegay in arrintaasi aysan ahayn mid laga aamusi karo waxaan kasoo horjeednaa dulmiga lagu hayo shacabka laga barakiciyay guryahooda,” ayuu yiri, isagoo shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan bannaanbaxyada la qorsheeyay
Madaxda mucaaradka ayaa sheegay in isu soo baxyadu ay ka dhici doonaan degmooyin kala duwan oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxayna ku adkeeyeen inay yihiin bannaanbaxyo “nabadeed” oo lagu muujinayo cabashada shacabka

0 Comments