Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud oo sheegay inay wadaan baaritaanka Sacdiyo Macalin Cali oo kamid ah bajaajlayaasha Muqdisho

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

 Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay inuu billaabay baaritaan ku aaddan eedeymo loo jeediyay Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo kamid ah darawaliinta Bajaajta Muqdisho Sacdiyo oo la xiray 12-ka bishii hore ee Abril, ayaa  lagu soo eedeeyay sumcad dil iyo kicin bulsho, sida ay lagu sheegay warka kasoo baxay xeer ilaalinta

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay waajibaadka hay’adda ee ilaalinta sharciga, la dagaallanka dambiyada iyo xaqiijinta kala dambeynta. Waxaa sidoo kale lagu xusay in baaristu ay marayso heerar kala duwan, isla markaana marka la soo gabagabeeyo loo gudbin doono maxkamadaha awoodda u leh

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay inay ka go’an

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay inay ka go’an tahay fulinta caddaaladda, hortagga dambiyada iyo difaaca danaha bulshada, isagoo tilmaamay in tallaabooyinkan ay muhiim u yihiin sugidda amniga golahа Mustaqbalka ayaa dhawaan si adag u cambaareeyay xariga Sacdiyo Macalin Xasan

Iyagoo sheegay in ay ka soo horjeedaan isticmaalka awoodda lagu cabburinayo dhalinyarada Bajaajleyda ah ee si nabadda ah u cabbiraya cabashooyinkooda, isla markaana uu ku baaqay in la ixtiraamo xuquuqda hadalka iyo isu imaatinka nabadeed Sidoo kale, hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa todobaad ka hor soo saartay baaq degdeg ah oo ku aaddan xarigga Sacdiya Macalin Cali, iyadoo dalbatay in si shuruud la’aan ah loo sii daayo

Amnesty International ayaa xarigga Sacdiyo ku tilmaantay mid aan sharci ahayn, kana soo horjeeda adeegsiga xuquuqda aasaasiga ah ee hadalka iyo isu imaatinka nabadeed, iyadoo sidoo kale xustay in Sacdiya aysan helin qareen isla markaana qoyskeedu uusan helin xog buuxda oo ku saabsan xaaladdeeda Hay’addu waxay ugu baaqday dowladda inay si degdeg ah u sii deyso Sacdiya, isla markaana ay ixtiraamto xuquuqda aadanaha

Post a Comment

0 Comments