Ciidamada Jubbaland oo Afmadow ku qabtay Xubin ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Jubbaland

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee ka howlgala

 Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee ka howlgala degmada Afmadow ayaa fuliyay howlgal qorshaysan oo lagu beegsaday deegaanno ku teedsan woqooyiga magaalada, halkaas oo ay ku soo qabteen xubin ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay howdka

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada 

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada ay heleen xog ku saabsan dhaqdhaqaaqyo ay sameynayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaannada miyiga ah ee hoos yimaada Afmadow ciidamada ayaa aroornimadii hore ee shalay oo Jimco ahayd ku baacsaday xubnahaasi goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay sameeyeen baaritaanno ballaaran oo lagu xaqiijinayay amniga dhammaan deegaannada la beegsaday, si looga hortago khataraha amni ee ka imaan kara kooxda intii uu socday howlgalka, ciidamada Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay Cali Macalin Cali Nuur, oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Islamarkaana lagu yaqaanay magaca afgarashada “Musamil”, Wararka ayaa tilmaamaya in ninkan uu muddo afar sano ah ka mid ahaa kooxda mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in howlgalkaan uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga degmada Afmadow iyo deegaannada ku xeeran, iyadoo la adkeynayo la dagaallanka kooxaha amni darrada sababa

Post a Comment

0 Comments