Kumanaan taageereyaal ah ayaa maanta oo Talaado ah
Kumanaan taageereyaal ah ayaa maanta oo Talaado ah isugu soo baxay garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, si ay u daawadaan ciyaar ay kasoo muuqdeen Ciyaaryahano heer Caalami ah kana soo jeeda Qaarada Afrika ciyaartaan oo ahayd mid si weyn loo wada sugaayay ayaa waxaa kasoo dhex muuqday xiddigo hore oo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Jay-Jay Okocha, Emmanuel Adebayor, Samuel Eto’o iyo kuwo kale, kuwaasoo la ciyaarayay koox ka mid ah xiddigihii hore ee Soomaaliya
Ciyaarta xiisaha leh ayaa dhex martay xiddigihii hore
Ciyaarta xiisaha leh ayaa dhex martay xiddigihii hore ee Ocean Stars iyo xiddigaha ajaanibta ah ee ka ciyaara horyaalka Soomaaliya, oo ay wehliyeen saddexda halyeey ee caalamiga ah, Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 8-4 oo ay guushu ku raacday xidigihii hore ee Afrika
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay daawashada ciyaartaan saaxiibitimo ee taariikhi ah, ayaa sheegay in munaasabaddan ay tahay tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee ku aaddan soo celinta sumcadda iyo awoodda ciyaaraha Soomaaliyeed
Isaga oo xusay in joogitaanka xiddigaha caalamiga ah iyo madaxda isboortigu ay muujinayso soo laabashada kalsoonidii uu caalamku ku qabaan Soomaaliya ee dhanka Isboortiga xiddigahan oo magac iyo maamuus ku dhex leh ciyaaraha kubadda cagta Afrika, ayaa inta ay Muqdisho joogaan u kuurgeli doona garoomada iyo xarumaha ciyaaraha ee dalka
Waxayna durba ka qaybgaleen ciyaar lagu maamuusayey imaanshahooda oo ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Mogadishu Stadium soomaaliya waxbaan ka aqaanay, farxad ayay ii tahay inaan maanta aniga iyo Ciyaartooydaan aan joogno halkaan, gurigayga waxaa ku noolaa wiil Soomaali ah oo lagu magacaabay Cabdiraxmaan Biixi
Waxaan bartay intaan ka ciyaarayay EPL ka Soomaaliya waxaan u rajeenayaa nabad iyo xasilooni” ayuu yiri Ciyaaryahan Emmanuel Adebayor soomaaliya waxaa ugu dambeysey martigelinta ciyaaro caalami ah ka hor dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay 1991-dii, waxayna hadda isku dayeysaa in ay kasbato kalsoonida xiriirrada caalamiga ah ee ciyaaraha qanbanqaabiya
3 Comments
Somali markaan nabad ayay rabtaa
ReplyDeleteallow dalkeeni nabad noogu dhig
ReplyDeleteshacabku way ka daaleen dagaal iyo buuq markaan nabad ayay rabaan
ReplyDelete