Labo sano ka hor sigaarka Iran lagu sameeyay
Labo sano ka hor sigaarka Iran lagu sameeyay wuxuu gaaray qiimahiisu 71.65 bilyan. Dhammaan sigaarkaas waxaa lagu isticmaalay gudaha dalka. Tiradaas waxay muujineysaa in dalabka sigaarka ee gudaha dalka uu kordhay sanadkii 2011-kii sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaarada ganacsiga, isticmaalka sigaarka Iran waxa uu gaarayay 63 bilyan. Wax-soo-saarka tubaakada Iran waxa uu ahaa mid hal shirkad ay sameyso kana ganacsato
Shirkadaha shisheeye sida tan British American
Shirkadaha shisheeye sida tan British American Tobacco oo gudaha Iran looga yaqaan BVT iyo tan Japan waxay suuqa Iran ku soo galeen ogolaanshaha dowladda markii hore shirkadahan dibadda ayey badeecadooda ka keeni jireen halka markii dambe ay bilaabeen in ay sameeyaan kuwa magacooda wata inkastoo shirkadaha sameeya sigaarka ee Iran ay saamiyadooda hoos u dhaceen
Haddana waxay ka mid yihiin kuwa ugu waaweyn
Haddana waxay ka mid yihiin kuwa ugu waaweyn ee wax-soo-saarka dalka. In ka badan 95 boqolkiiba shirkadaha waxaa leh shaqsiyaad dowladda isbahaysi la ah. Dowaldda Iran si toos ah iyo si dad badan ayey ugu lug leedahay wax-soo-saarka sigaarka dalka sida laga soo xigtay xarunta cilmibaarista Majlis, GTI oo kaliya ayaa haysata 50 boqolkiiba suuqa
Marka laysku daro labada shirkadooda ee shisheeye, waxay leeyihiin ku dhawaad 70 boqolkiiba saamiyada suuqa sigaarka ee dalka Iran waxaa ka hadda ka shaqeeya 22 shirkadooda oo sigaarka sameysa sida lagu qiyaasay qiimaha sigaarka Iran waxa uu gaarayaa 70 tirilyan oo lacagta dalkas ah iyadoo dadka caba sigaarka lagu qiyaasay 20 milyan
Sigaarka sida rasmiga lagu soo geliyo Iran iyo kan qarsoodiga ayaa istaagay sanooyin badan Sanadihii la soo dhaafay shirkadaha Iran waxa soo food saaray sicir barbar aad u daran iyo culeys dhinac cunaqabteynta ah taas oo keentay in qiimaha badeecadaha ay si weyn kor ugu kacaan qiimaha badeecadaha oo kordhay waxay keentay in isticmaalka alaabaha qaar ay yaraadaan
Warbixin uu soo saaray bangiga dhexe sanadkii 2013-kii waxay muujineysaa in isticmaalka cuntada sida bariiska, hilibka, kalluunka iyo caanaha ayaa hoos u dhaceen tobankii sano ee la soo dhaafay qiimaha cuntada oo kordhay waxay qoysaska ku qasbanaadeen in ay yareeyaan cunista cuntooyinka nafaqada leh, waxaana kordhay cabista sigaarka iyo shiishadaha maadama qiimahooda ay awoodaan
0 Comments