Dalalka ciidamadooda ka jooga Soomaaliya
Dalalka ciidamadooda ka jooga Soomaaliya ayaa codsaday in la bixiyo $93.8 milyan oo ah mushaarka iyo kharashaadka la xiriira ciidamadaasi, iyagoo muujiyay niyad jab xooggan oo ay ka qabaan maalgelin la’aanta howlgalka xasillinta Soomaaliya
Dalalkan, oo ah kuwa loo yaqaan TCCs
Dalalkan, oo ah kuwa loo yaqaan TCCs (Troop Contributing Countries), ayaa ka digay in deymaha is biirsaday ay khatar gelinayaan kalsoonida iyo joogitaanka ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya, xilli aan weli si buuxda loogu wareejin masuuliyadaha howlgalka cusub ee AUSSOM
Sida ay warbixinaha muujinayaan, deymaha
Sida ay warbixinaha muujinayaan, deymaha la xiriira mushaaraadka iyo kharashaadka ciidamada ee laga leeyahay howlgalka hore ee ATMIS ayaa gaaraya $93.9 milyan. Lacagahan ayaa lagu leeyahay muddada u dhaxaysa 2022 ilaa 2024, waxaana ay u kala baxayaan sidan
Ujeeddada shirka ayaa ah in laga gaaro xal ku saabsan maalgelinta howlgalka AUSSOM, gaar ahaan kaddib markii Dowladda Mareykanka ay diidday inay maalgeliso, iyadoo kasoo horjeesatay qaraar uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixiyay, kaasi oo qeexayay habka maalgelinta cusub ee howlgalka xasillinta Soomaaliya
0 Comments