Ruja Ignatova waxay isku magacowday boqoradda
Ruja Ignatova waxay isku magacowday boqoradda lacagta labanlaabta waxay dadka ku nool guud ahaan caalamka u sheegeysay inay soo hindistay barnaamij lacagta lagu badiyo, iyadoo la tartameysay barnaamijka la yiraahdo Bitcoin ee lacagaha lagu shubto, waxayna dadka ka dhaadhicisay inay ku maalgashadaan balaayiin doolar. Ka dib labo ka hor, waxaa mar qura la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigtay
BBC-da ayaa muddo labo bilood ah
BBC-da ayaa muddo labo bilood ah baaritaan ku heysay sida ay haweeneydaas ugu suurtagashay inay khiyaanadaas lacag badan ugu dhacdo iyo meesha ay suurtagalka tahay inay ku dhuumaneyso horaantii bishii June ee sanadkii 2016-kii, haweeney ganacsato ah oo 36 jir ah, laguna magacaabo Dr Ruja Ignatova, ayaa soo istaagtay masraxa Wembley Arena ee magaalada London
Waxaana u sacbinayay kumannaan taageerayaal
Waxaana u sacbinayay kumannaan taageerayaal ah oo la dhacsanaa qorshaheeda waxay ku labisneyd dhar qaali ah, waxayna xirneyd dhago dhaadheer oo ka sameysan dheeman Waxay dadweynihii u sacbinayay u sheegtay in barnaamijdeeda OneCoin uu ahaa mid ay dooneysay inuu noqdo barnaamijka ugu weyn caalamka ee lacagta lagu labanlaabo, "qof walbana lacagtiisa lagu siinayo meel kasta oo uu joogo
Bitcoin wuxuu ahaa barnaamijkii ugu horreeyay ee lacagaha lagu badiyo, walina waa kan ugu weyn ee la garanayo qiimihiisu wuxuu kasoo billowday lacag aad u yar, ka dibna wuxuu gaaray boqollaal doolar sanadkii 2016-kii lacagahaas waxaa si toos ah loo siinayay dadka ka qeyb qaata ama lacagahooda ku shubta Cryptocurrency wuxuu sidoo kale ku dhisnaa fikrad si guud ula xiriirta lacagtaada oo kuu badaneysa, dad badan ayaana u dagdagay inay ka faa'iideystaan fursaddaas cusub
Dr Ruja waxay dadkii dhageysanayay u sheegtay in barnaamijkeeda OneCoin uu yahay "kii looga takhalusi lahaa Bitcoin". "Muddo labo sano gudahood ah, ma jiri doono qof ka hadlaya ama lacag ku shuban doona Bitcoin!", ayey tiri iyadoo kor u qeylineysay guud ahaan dadka ku nool daafaha caalamka waxay billaabeen inay maalgashadaan ama lacagahooda ku keydsadaan OneCoin, iyagoo rajeynayay inay qeyb ka noqdaan ol'olahan cusub ee lagu badinayo lacagaha
Warqado ay BBC-da heshay ayaa muujiyay in dadka ku nool Britain ay barnaamijkaas ku dareen lacag kor u dhaafeysa 30 milyan oo doolar, lixdii bilood ee ugu horreysay Waxaa faahfaahin laga siiyay taariikhda Dr Ruja, oo ah haweeneyda soo hindistay barnaamijkaas. Arrimahaas oo dhan ayaa soo jiitay McAdam, waxayna dareentay farxad, iyadoo rajeyneysay inay ka faa'iideysan doonto
Waxay go'aansatay inay ku maalgashato lacag dhan €1,000. Hal isbuuc ka dib, McAdam waxay ku shubatay lacag lagu noqonayo "taajir" oo ah €5,000, sida ku xusneyd macluumaadka barnaamijka waxyar ka dib, waxay ku shubatay €10,000, markii dambena waxay saaxiibadeed iyo qoyskeeda kasoo aruurisay €250,000
Waxay Online-ka ka daawaneysay faa'iidada lacagteeda oo sare u kacday, oo dhaaftay ilaa £100,000 - waana toban jibaarka intii ay iyadu shakhsi ahaan ugu shubatay waxay billowday inay qorsheysato safarro damaashaad ah oo ay meelo badan ku aadeyso, maadaama ay moodeysay inay usoo socotay lacag badan muddo ka dib, dhammaadkii sanadkaas, waxaa loo sheegay in lacagteedii oo dhan ay halkaas ku gubatay
0 Comments