Waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka
Waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Awdheegle iyo Mubarak ayaa si rasmi ah dib loogu furay, ka dib in ka badan toban sano oo ay xiranayd, dib-u-furidan ayaa timid kadib hawlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM
Hawlgalka ayaa diiradda lagu saaray in laga saaro
Hawlgalka ayaa diiradda lagu saaray in laga saaro dhirta iyo geedaha cufan ee ku baahay 12-kiiloomitir ee jidka, kuwaas oo hor istaagay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka isla markaana ciriiri laga dareemayay waddada ilo deegaanka ah ayaa sheegay in jidkani uu sannado badan ku adkaaday in la maro
Taasoo gaadiidka ku qasbay inay isticmaalaan
Taasoo gaadiidka ku qasbay inay isticmaalaan wadooyin kale oo dheer isla markaana aan ammaan ahayn mas’uuliyiinta maamulka Awdheegle iyo Mubarak ayaa xaqiijiyay in dib-u-furidda waddadu ay dib u soo celin doonto isu socodka caadiga ah, isla markaana kor u qaadi doonto isku xirka labada deegaan
Waxay sidoo kale ku baaqeen in dadka deegaanka ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo hubiyo in waddadu sii ahaato mid ammaan ah oo shaqaynaysa waddadan ayaa xirneyd ku dhawaad 13 sano, sababo la xiriira amni-darro iyo dayac, iyadoo dhirtu ay sii adkeysay in la maro
Dib-u-furideeda ayaa loo arkaa tallaabo wax ku ool ah oo lagu horumarinayo isu socodka, ganacsiga, iyo adeegyada bulshada ee deegaanka
https://www.facebook.com/saabiriin.yuusuf.180/posts/pfbid02BAbiLn4Dqwa4jzC2kGvZhetExFwTw3RaUfmZmzsodi6nt6vrsSiGuPcM1ZWWArAul

2 Comments
ciidanka xooga dalka waxay ka shaqeenayaan sidii dalka ugu sifeyn lahaayeen kooxda argigixisada guul ayaana urajeynayaa
ReplyDeleteDagaalkii ay la galeen ciidanka kooxda alshabab ayaa la siyaasadeyey dowladda hada waxay ka shaqeenaysaa sidii xilka u heyn laheyd kamana shaqeyneyso sidii kooxda dalka looga saari lahaa
ReplyDelete