Isbeddel dhab ah wuxuu ka bilaabmaa daahfurnaan
Isbeddel dhab ah wuxuu ka bilaabmaa daahfurnaan iyo mas’uuliyad wadajir ah somalia waxay maraysaa marxalad u baahan isla-xisaabtan dhab ah waa muhiim in dowladda federaalka ay la timaado qorshe cad oo ku saabsan doorashooyinka iyo wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada murannada dhuleed ee Muqdisho iyo cabashooyinka muwaadiniinta waa in si cadaalad ah loo wajahaa, si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka
Sidoo kale amniga iyo dhaqaalaha dalka
Sidoo kale amniga iyo dhaqaalaha dalka waa tiirarka horumarka haddii aan wax laga qaban, mustaqbalka jiilasha soo koraya halis ayuu ku jiraa Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan ku shaqeeya hufnaan iyo isla-xisaabtan waa waqtigii la shaacin lahaa jadwal cad oo doorashooyin Dib-u-dhaca iyo ka-muquurashada dejinta ajandaha doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo doorashada madaxweynaha Faragelinta dibadda iyo saameynta ay ku leedahay go’aannada dowladda federalka
Soomaaliya waxay u baahan tahay hannaan doorasho
Soomaaliya waxay u baahan tahay hannaan doorasho oo mideeya shacabka, taageera nabadda, una horseeda horumar sidaas darteed, ma aha in mar walba la isku qabsado doorashooyinkii la sugaayey inay keenaaan isbeddel, balse waa in la dhisaa kalsooni iyo sharci la wada aqbalo sharci doorashada oo La Isla Ogyahay waxaa lama huraan ah in la helo sharci doorasho oo cad, oo qeexaya qaabka, waqtiga, iyo cidda qabaneysa
Wadahadal iyo is-afgarad Siyaasadeed madaxda waa inay ka fekeraan maslaxadda qaranka kana tanaasulaan dano gaar ah dib-u-habeyn lagu sameeyo 4.5 si loo helo nidaam caddaalad ah, waxaa muhiim ah in la baddalo nidaamka 4.5 loona gudbo nidaam matalaad dhaba ah oo ku saleysan tirada dadka Taasi waxay keentaa fursad uu qof walba u adeegsado si uu danihiisa ugu meel mariyo
Nidaamka doorasho ma aha mid lagu heshiiyey dhammaan hay’adaha siyaasadda madax bannaanida Maamul Goboleedyada tan iyo markii la qaatay nidaamka Federaalka, Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada mar walba kuma heshiin habka ay doorashadu u dhaceyso, gaar ahaan cidda qabaneysa, meesha ay ka dhaceyso iyo cidda xaqa u leh inay ka qeyb gasho

0 Comments