Soomaaliya waa dal leh taariikh siyaasadeed,
Soomaaliya waa dal leh taariikh siyaasadeed, hase yeeshee waxaa lagu tilmaamaa mid mar walba la kulma khilaaf ku saabsan hanaanka doorashada inkastoo shacabka Soomaaliyeed yihiin dad daneynaya horumar iyo xasilooni siyaasadeed haddana su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay maxaa keenaya in mar kasta la isku qabto qaabka loo marayo doorashada dalka
Danta iyo Saamaynta Beelaha Qaabka 4.5
Danta iyo Saamaynta Beelaha Qaabka 4.5 ee lagu saleeyay awood qaybsiga beelaha wuxuu abuuray in beeluhu yeeshaan saameyn siyaasadeed oo toos ah sidaas darteed marka la gaaro doorasho beel kastaa waxay rabtaa inay hesho kursi sare ama xil muhiim ah taasoo dhalisa murano la xariira awood qaybsiga Madax bannaanida Maamul Goboleedyada tan iyo markii la qaatay nidaamka Federaalka, Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada mar walba kuma heshiin habka ay doorashadu u dhaceyso
Gaar ahaan cidda qabaneysa, meesha ay ka dhaceyso
Gaar ahaan cidda qabaneysa, meesha ay ka dhaceyso iyo cidda xaqa u leh inay ka qeyb gasho tusaale sanadihii 2016 iyo 2021 muran xoogan ayaa ka dhashay doorashada dadban ee ay maamul goboleedyadu qayb weyn ku lahaayeen kalsooni Darro Siyaasadeed: Qabiil, xulufo siyaasadeed iyo dano gaar ah ayaa keena in madaxda la isku aammini waayo mid kastaa wuxuu eedeeyaa kan kale, iyadoo lagu andacoodo in la doonayo in doorashada la boobo ama la sii haysto kursiga si awawoodda
Sharci aan Qaan-gaarin: Dastuurka KMG ah weli laguma dhameystirin sharci doorasho oo cad. Taasi waxay keentaa fursad uu qof walba u adeegsado si uu danihiisa ugu meel mariyo. Nidaamka doorasho ma aha mid lagu heshiiyey dhammaan hay’adaha siyaasadda 2022 waxaa la isku mari waayay in la qabto doorasho toos ah ama dadban ugu dambeyntii waxaa lagu heshiiyay hannaan dadban oo ay ku lug leeyihiin ergooyin beeleed
2024-2025: Waxaa la isku maandhaafay qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ah in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah sannadka 2026. Maamul goboleedyo qaarkood iyo mucaaradka ayaa ku tilmaamay mid aan waaqici ahayn, iyagoo shaki ka muujiyay ujeedada ka dambeysa waxaana dood ka dhalatay doorashadda oo ilaa hadda taagan Sharci Doorasho oo La Isla Ogyahay
Waxaa lama huraan ah in la helo sharci doorasho oo cad oo qeexaya qaabka, waqtiga, iyo cidda qabaneysa wadahadal iyo Is-Afgarad Siyaasadeed madaxda waa inay ka fekeraan maslaxadda qaranka kana tanaasulaan dano gaar ah dib-u-habeyn lagu sameeyo 4.5: Si loo helo nidaam caddaalad ah, waxaa muhiim ah in la baddalo nidaamka 4.5 loona gudbo nidaam matalaad dhaba ah oo ku saleysan tirada dadka
Ugu dambayn, Soomaaliya waxay u baahan tahay hannaan doorasho oo mideeya shacabka, taageera nabadda, una horseeda horumar. Sidaas darteed, ma aha in mar walba la isku qabsado doorashooyinkii la sugaayey inay keenaaan isbeddel, balse waa in la dhisaa kalsooni iyo sharci la wada aqbalo

0 Comments