Malik Xaashi ayaa taariikh cusub u sameeyay ciyaartoyda
Malik Xaashi ayaa taariikh cusub u sameeyay ciyaartoyda Soomaaliyeed kaddib markii uu si rasmi ah ugu biiray akadeemiyadda kooxda caanka ah ee Arsenal F.C., isagoo la saxiixday kooxda da’yarta ee Under-18-ka isaga oo 17 jir ah Malik oo ku dhashay dalka Ingiriiska
Balse asal ahaan Soomaali ah, ayaa noqday ciyaaryahankii
Balse asal ahaan Soomaali ah, ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ku biiro nidaamka horumarinta da’yarta ee Arsenal Malik wuxuu ka ciyaaraa khadka dhexe, booska loo yaqaan “Burburiye” ka kooxda, kaas oo isku xira daafaca, baalasha iyo weerarka, Waa boos muhiim u ah xakameynta ciyaarta, dejinta xawaaraha kubadda iyo abuurista fursadaha goolal dhalinta
Isagoo ka hadlay xarunta tababarka Arsenal
Isagoo ka hadlay xarunta tababarka Arsenal, Malik wuxuu muujiyay farxaddiisa ku aaddan saxiixa uu la galay kooxda, isaga oo sheegay in tani ay sharaf weyn u tahay isaga iyo qoyskiisa aad ayaan ugu faraxsanahay inaan saxiixo heshiiskan waa sharaf weyn, Qoyskeyga aad bay ugy faani doonaan, waxayna iga taageeraan maalin kasta si aan u horumariyo xirfaddeyda kubadda cagta,” ayuu yiri Malik
Inkastoo ay jireen ciyaartoy asal Soomaali ah oo helay jinsiyado kale kuna biiray kooxo Yurub ah, haddana qaar badan oo ka mid ah mar dambe kama soo muuqdaan masraxa weyn ee kubadda cagta sababo aan mararka qaar la caddeyn
Saxiixa Malik Xaashi wuxuu astaan u yahay horumar cusub iyo rajo ay heleen dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku riyoonaya inay ka ciyaaraan heerarka sare ee kubadda cagta Ingiriiska.

0 Comments