Soomaaliya waxay wajahaysaa caqabado isku dhafan oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda ah. Shacabka Soomaaliyeed waxay sugayaan hoggaan ku dhisan hufnaan, cadaalad iyo isla-xisaabtan si loo xaqiijiyo mustaqbal xasilloon, waxaa lama huraan ah in la caddeeyo jadwal doorasho oo lagu kalsoonaan karo in la xoojiyo wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada in la dhowro dastuurka iyo nidaamka dowladnimo
Isbeddel dhab ah wuxuu ka bilaabmaa daahfurnaan
Isbeddel dhab ah wuxuu ka bilaabmaa daahfurnaan iyo mas’uuliyad wadajir ah Soomaaliya waxay maraysaa marxalad u baahan isla-xisaabtan dhab ah waa muhiim in dowladda federaalka ay la timaado qorshe cad oo ku saabsan doorashooyinka iyo wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada murannada dhuleed ee Muqdisho iyo cabashooyinka muwaadiniinta waa in si cadaalad ah loo wajahaa, si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka sidoo kale Amniga iyo dhaqaalaha dalka waa tiirarka horumarka haddii aan wax laga qaban, mustaqbalka jiilasha soo koraya halis ayuu ku jiraa
Wada-hadal iyo is-afgarad siyaasadeed ayaa ah
Wada-hadal iyo is-afgarad siyaasadeed ayaa ah jidka kaliya ee lagu gaari karo xasillooni iyo midnimo qaran go’aanno kelitalis ah ma keenaan xasillooni siyaasadeed amniga gobollada qaar wuu sii xumaanayaa shacabku wuxuu mudan yahay nabad iyo badbaado dhaqaalaha iyo nolol-maalmeedka bulshada waa in mudnaan la siiyaa, halkii laga mashquuli lahaa khilaaf siyaasadeed dastuurka waa in la dhowraa, doorashooyinkuna noqdaan kuwo xor iyo hufan
Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan ku shaqeeya hufnaan iyo isla-xisaabtan waa waqtigii la shaacin lahaa jadwal cad oo doorashooyin Dib-u-dhaca iyo ka-muquurashada dejinta ajandaha doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo doorashada madaxweynaha Faragelinta dibadda iyo saameynta ay ku leedahay go’aannada dowladda federaalka
Sii xumaanshaha amniga gobollada kala duwan, oo ay ku jiraan iska-horimaadyada ka dhacay Koonfur Galbeed iyo hoos u dhaca dhaqaalaha iyo xaaladda nololeed ee bulshada Soomaaliyeed Xaqiijinta ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyada oo aan la kala soocin

0 Comments