Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay billowdo
Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay billowdo wada-hadallo rasmi ah oo ay la galeyso xiddiga khadka dhexe Declan Rice si loo cusbooneysiiyo heshiiskiisa ka hor bilowga xilli-ciyaareedka soo socda, tallaabo looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo mustaqbalka mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda
Sida uu qoray ‘TEAMtalk’ Rice ayaa ku biiray
Sida uu qoray ‘TEAMtalk’ Rice ayaa ku biiray Arsenal sanadkii 2023 kadib markii ay kaga soo qaateen West Ham United heshiis gaaraya £105 milyan oo ay ku jiraan gunnooyin, wuxuuna si degdeg ah u noqday ciyaaryahan laf-dhabar u ah safka tababare Mikel Arteta. Xiddigan 27-jirka ah ayaa arkay xiddigo kale oo kooxda ka tirsan sida Bukayo Saka oo heshiisyadooda cusbooneysiiyay bilihii la soo dhaafay
Agaasimaha ciyaaraha Andrea Berta ayaa xaqiijiyay
Agaasimaha ciyaaraha Andrea Berta ayaa xaqiijiyay in kooxda ay damacsan tahay inay soo bandhigto heshiis shan sano ah marka wada-xaajoodyadu bilaabmaan, waxaana jira rajo xooggan oo ah in Rice uu doonayo inuu mustaqbalkiisa intiisa kale la sii joogo kooxda. Heshiiskiisa hadda wuxuu dhacayaa 2028
Wuxuuna ku kacayaa qiyaastii £240,000 toddobaadkii, iyadoo kooxda ay haysato ikhtiyaar hal sano oo dheeri ah Rice waxaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha khad dhexe ee ugu fiican adduunka, wuxuuna si toos ah uga qeyb qaatay 14 gool xilli-ciyaareedkan. Tallaabada lagu cusbooneysiinayo heshiiska Rice ayaa daba socota kordhinta heshiisyada Saka, Gabriel, iyo Saliba, si loo xoojiyo xasilloonida kooxda loona ilaaliyo xiddigaheeda muhiimka ah

0 Comments