Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS)
Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo saaxiibada kale ee beesha caalamka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in wada-hadalladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ay ku dhammaadeen natiijo la’aan
UNTMIS oo ay weheliyaan saaxiibbada caalamiga ah
UNTMIS oo ay weheliyaan saaxiibbada caalamiga ah ayaa maanta kulan la yeeshay wakiillo sare oo ka kala socday labada dhinac, iyagoo ku boorriyay in la sii wado dadaallada lagu gaarayo xal siyaasadeed oo waara
Qoraal ay soo saartay UNTMIS ayaa lagu sheegay
Qoraal ay soo saartay UNTMIS ayaa lagu sheegay in ay soo dhoweynayso sida ay labada dhinac uga go’an tahay sii wadista wada-hadallada, ayna muhiim tahay in wadahadallada lagu sii amba-qaado niyad-sami iyo tanaasul
Ergeyga QM ee Soomaaliya, James Swan, ayaa xusay in inkastoo aan heshiis laga gaarin qodobbadii la isku hayay, haddana ay rajo ka qabaan in hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya dib isugu soo laabtaan si loo gaaro heshiis qaran oo loo dhan yahay
UNTMIS iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhinacyada inay ka hormariyaan danta guud ee dalka, isla markaana ay sii wadaan wada-hadallada si loo helo xal siyaasadeed oo waara
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in wadaxaajoodkii uu la lahaa Dowladda Federaalka uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan. Qodobbada ugu waaweyn ee la isku mari waayay waxaa ka mid ah wax-ka-beddelka dastuurka iyo doorashooyinka Dawlad-goboleedyada ee muddo-dhaafka ah Weli Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin in wada hadaladu ay fashilmeen

0 Comments