Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Hambalyo Iyo Bogaadin U Diray Ciidamada Danab Iyo Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada gaarka ah ee Danab iyo kuwa Jubbaland, kuwaas oo ka hortegay weerar ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ay ku leeyihin ciidamada ee deegaanka Kuddhaa ee gobolka Jubbada Hoose

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in ciidamadaasi ay muujiyeen geesinimo, adkeysi iyo waddaniyad sare, iyaga oo si hufan uga hortagay Alshabaab, una difaacay sharafta, diinta iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in askartaasi ay mar kale caddeeyeen in ay diyaar u yihiin bixinta naf iyo maalba, si loo sugo amniga dalka loogana hortago kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed 

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in guusha

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in guusha laga gaaray dagaalkaasi ay muujinayso horumarka iyo tayada tababar ee ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwa Danab iyo Jubbaland, kuwaas oo laf-dhabar u ah dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tacsi u diray qoysaska, ehelada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen askartii ku shahiiday dagaalka, isagoo Alle uga baryay inuu janadiisa ka waraabiyo, dhaawacyadana siiyo caafimaad degdeg ah

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya wuxuu mar kale ku celiyay go’aanka adag ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ciribtirka kooxaha argagixisada, isaga oo ugu baaqay shacabka inay sii xoojiyaan garab istaagga iyo taageerada ay siinayaan ciidamada qalabka sida

Post a Comment

0 Comments