Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee QM ee Soomaaliya
Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay ku dhawaaqista Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan furitaanka madasha wadatashiga qaran, iyo martiqaadka ay u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed si ay uga qayb-galaan wada-hadallo siyaasadeed oo la filayo inay bilaabmaan bisha soo socota
UNTMIS ayaa sheegtay inay mar kale xaqiijinayso
UNTMIS ayaa sheegtay inay mar kale xaqiijinayso taageeradeeda ku aaddan wada-hadal loo dhan yahay, oo horseeda is-afgarad ballaaran, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyin loo wada dhan yahay, oo hufan, kuwaas oo la doonayo in lagu qabto waqtiga harsan ee waajibaadka dastuuriga ah, iyadoo ay ka harsan yihiin wax ka yar afar bilood dhammaadka muddo-xileedka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Hawlgalka waxay sidoo kale ku dhiirrigelisay
Hawlgalka waxay sidoo kale ku dhiirrigelisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed inay si togan uga jawaabaan martiqaadka dowladda, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda inay si daacad ah oo wax ku ool ah uga qayb-qaataan wadahadallada soo socda, si loo yareeyo khilaafaadka siyaasadeed loogana fogaado xaalad hubanti la’aan ah oo dalku galo
Dhanka kale, illaa iyo hadda wax jawaab ah kama soo bixin Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ku aaddan casuumaadda rasmiga ah ee xukuumadda federaalka waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in inta badan xubnaha Golaha Mustaqbalka ay haatan ku sugan yihiin dalka Kenya, halkaas oo ay ku leeyihiin kulamo gaar ah oo lagaga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed iyo masiirka mustaqbalka ee dalka
Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa weli ah mid xasaasi ah, maadaama ay soo dhowdahay dhammaadka muddo-xileedka dowladda federaalka, isla markaana ay jiraan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan hannaanka doorasho ee lagu gaari karo xasillooni iyo heshiis qaran oo waara

0 Comments