Ciidanka dowladda oo howlgalo culus ka wada tuulooyin hoostaga deegaanka Jabad Godane

Ciidanka dowladda

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed

 Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa maanta howlgalo amni xaqiijin ah ka wada tuulooyinka hoostaga deegaanka Jabad Godane oo Shalay dagaal culus ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab ciidamada ayaa howlgalada ka wada goobo la tilmaamay iney ku tuhunsan yihiin 

Weerarkii Shalay Al-shabaab kasoo qaadeen oo ku dhadhaw

Weerarkii Shalay Al-shabaab kasoo qaadeen oo ku dhadhaw deegaanka Jabad Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe dagaalkii Shalay ka dhacay deegaankaas ayaa dowladda Fedaraalka waxay ka sheegatay guulo waa weyn iyadoona soo bandhigtay meydad badan oo Al-shabaab looga dilay 

Dagaalkaas oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad

Dagaalkaas oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad marka laga soo tago meydadka ay soo bandhigtay dowladda Fedaraalka, ma jirto tiro rasmi ah oo ay sheegtay in kooxda Al-shabaab looga dilay dagaalkii Shalay ka dhacay Jabad Godane oo ka mid ahaa kuwii ugu cusla ee waayahaan dambe ka dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe

Si kastaba ha ahaatee weerarkii Shalay ka dhacay Jabad Godane ayaa kusoo adaaya, iyadoo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed howlgalo isugu jiray cir iyo dhul dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka fulinayeen deegaano hoostaga degmada Warsheekh ee gobolkaas

Post a Comment

0 Comments