Abaabulka howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo ka socda gobolka Hiiraan

kooxda Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya

 Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa difaaca deegaanka ee Macawiisleyda ayaa dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ka wada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa qorsheynaya in dib uga bilaabaan deegaanada iyo degmooyinka ay kooxda Al-shabaab kaga sugan yihiin bariga gobolka Hiiraan

Laba maalin ka hor ayay aheyd markii taliyaha

Laba maalin ka hor ayay aheyd markii taliyaha ciidanka dhulka uu degmada Matabaan kula hadlay boqolaal askari oo ay dowladdu u diyaarisay duulaanka la doonayo in Al-shabaab looga xureeyo deegaanada ay ka joogaan gobolka Hiiraan dhaqdhaqaaqyada ciidamada iskaashanaya ayaa durba la tilmaamay in si weyn looga dareemay magaalooyinka ay ku sugan yihiin Al-shabaab ee kala ah Maxaas iyo Moqokori oo kooxdu gacanta ku dhigtay dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in kooxdu ay ciidamo

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in kooxdu ay ciidamo badan geysay magaalada Maxaas oo ah magaalo si weyn istaraatiiji ugu ah isku xirka gobolada Hiiraan iyo Galguduud

Si kastaba ha ahaate tan iyo markii ay dhaqdhaqaaqyadan bilaawdan Al-shabaab waxay isaga baxeen deegaano ay ka mid yihiin Waabweyn iyo Teedaan oo ku yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan

Post a Comment

0 Comments