Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaraaha ka dhashay dagaalo 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay ku dhexmaray magaalada Kudhaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo kooxda Al-shabaab
Warsaxafadeed kaasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya
Warsaxafadeed kaasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in si rasmi ah loo soo afjaray weerar ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen Shalay galinkii hore magaalada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaaladaasi khasaare xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-shabaab
Islamarkaana looga dilay ilaa 130 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab
Islamarkaana looga dilay ilaa 130 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab howlgalkan wadajirka ah ayaa cadowga lagu gaarsiiyay jab culus iyo khasaare ballaaran, iyadoo la dilay in ka badan 130 dhagarqabe, laguna dhaawacay tiro kale oo intaas ka badan, kaddib dagaal toos ah oo ay ciidamadu si geesinimo leh uga hortageen weerarka" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya
Waxaa sidoo kale Warsaxaafadeedka lagu xusay in ciidamadu ay gacanta uga dhigeen Al-shabaab gaadiid dagaal iyo hub ay ka carareen maleeshiyaadka Al-shabaab ee weerarka ku qaaday magaalo xeebeedka Kudhaa
Ugu dambeyntii qoraalka Wasaaradda waxa lagu sheegay in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland inay ka go'an tahay xaqiijinta amniga guud ee deegaanada ku yaala maamul goboleedka Jubbaland.

0 Comments