Sannadkii 1972kii, markii la hirgeliyey qoraalka Af Soomaaliga
Sannadkii 1972kii, markii la hirgeliyey qoraalka Af Soomaaliga, waxa suura galay in la diiwaan geliyo suugaanta iyo dhaqanka hodanka ah ee aynnu ku faanno, hawshaa oo ay iska xil saareen aqoonyahanno badan. Dhinaca kale, dawladdii Kacaanka ee dalka ka talinaysay, waxay meel marisay ereybixin badan oo loo aayey, hasayeeshee waxa laga seexday amma aad u yaraa erey-bixinta sayniska iyo teknolojiyada. Kadib burburkii dawladdii Soomaaliyxa waxa meesha ka baxday Akadamiyadii u xil saarrayd ururinta, kaydinta, ilaalinta iyo horowmarinta afka Soomaaliga. Akadamiyadu waxa kale oo ay ahayd goob ay ku kulmaan aqoonyahanka cilmi baadhista afafka ku hawlanaa
Inkastoo burbur dhacay haddana kamay hor joogsan
Inkastoo burbur dhacay haddana kamay hor joogsan inay cilmi-baadhayaal badan oo waxgarad ahi hawshooda sii wataan si ay u sii horowmariyaan Afka Soomaaliga. Runtii ma tiro yara dadka guntiga u gaabsaday in afka hooyo la jaan-qaado afafka dunida ee horowmarka ballaadhan ku tallaabsaday. Raggaa waxaan ka soo qaadan karaa qoraaga caanka ah ee la yidhaa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Barwaaqo) oo dad badan oo Soomaaliyeed ku xasuustaan qaybtii libaax ee uu ka qaatay Dooddii Miisaanka Maansada Soomaaliyeed ee sannadkii 2008dii. Dooddaas oo uu si aqooni ku ladhan tahay isla markaana qoraallo cadcad wadata
Kuna salaysan aftahannimo u soo bandhigay qoralladiisa
Kuna salaysan aftahannimo u soo bandhigay qoralladiisa. Cabdiraxmaan Barwaaqo waa aqoonyahanka keliya ee isagoo isku kalsoon ururiyey qoraalladii ku saabsanaa doodda miisaanka maansada, ee buug ka soo saaray si ay jiilasha dambe u ogaadaan dooddaas bilawgeedii iyo dhammaadkeedii. Cabdiraxmaan waxa kale oo uu qoray buuggaag badan iyo qoraallo aanan halkan ku soo koobi karin ujeeddada aan qalinka u qaatay maaha inaan ka warramo qoraalladiisa oo dhan, ee waa inaan wax yar ka ifiyo aqoonta uu ku soo kordhiyey adeegsiga teknolojiyada ee Af Soomaaliga. Sannadkii 2007dii, waxa uu soo saaray buugga la yidhaa, Hal-bixinta ereyga kumbuyuutarka( Computer terms in Somali.) Sida ka muuqata magaciisaba waa buug ay ku dhan yihiin ereyada loo adeegsado kumbuyutarka oo loo hal-tebiyey (Tarjumay.) af Soomaali
Waad garan kartaa dhibta iyo baaxadda ay leedahay in erey-bixin loo sameeyo teknoloojiyada casriga ah ee dunida maanta ka shaqaysa. Waa hawl u baahnayd akademiya kulmisa dad badan iyo dhaqaale ay ku hawl galaan. Isagoo taas og ayuu qoraagu laabta u dhigay hawshaa adag. Erey-bixin markaannu maqallo, maskasdeenna waxa ku soo dhacda in ereyo cusub loo abuuro si looga maarmo ereyada qalaad. Horeyna way u dhacday Erey-bixin cusub oo loo abuuray iyo qaar la isku toltolay in la meel mariyey oo hadda lagu dhaqmo
Haddaba Cabdiraxmaan Barwaaqo markuu u xamaan qaatay erey-bixinta kumbuyuutarka, wuu ka leexday waddadaa hore, wuxuuna u baydhay oo uu dhex qaday dhaqankii iyo nolosheennii miyiga, gaar ahaan agabka reer miyigu adeegsadaan, halkaas oo uu si cilmiyeysan ugala soo dhex baxay erey-bixinta buuggan ku qoran oo dhan. Runtii aad iyo aad baad ugu bogaysaa oo aad ugu qushuucaysaa sida qurxoon ee uu ula soo baxayo ereyada iyo sida uu ugu hal-tebinayo bartii u baahnayd. Arrintaa waxa u suura gelisay waa aqoonta durugsan ee uu u leeyahay Af Soomaaliga, dhaqanka iyo nolosheenna miyiga. Bishii Feb. ee sannadkii 2012kii, mar uu erey-bixinta kombuyuutarka ku soo bandhigay huteel Maansoor( Hargeysa)
Isagoo adeegsaday qaab casriyeysan, boqollaal ardayda jaamicadaha dhigata ah oo habeenkaa nasiib u yeelatay baa aad iyo aad ugu guuxday uguna bogtay. Waxaan ku talin lahaa qaabkaa erey-bixinta kumbuyuutarka ee uu dejiyey Cabdiraxmaan Barwaaqo in dadka Soomaaliyeed wada qaataan isla markaana waxbarashada jaamicadaha lagu daro, waayo? Waxaan u arkaa midho bisil oo aynnu si fudud u liqi karno

0 Comments