Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya
Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ayaa korortay 24% sannadkii 2024 iyo mar kale 2025, inkasta oo weli dowladda Soomaaliya ay ku tiirsan tahay maalgelinta ugu yimaadda dibadda. Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa kordhinaysa saamiga dakhliga gudaha ee lagu maalgeliyo adeegyada bulshada mid ka mid ah horumarka ugu weyn ayaa ah in maalgelinta waxbarashada laga kordhiyay dakhliga gudaha oo ka timid 3% illaa 10% saddex sano gudahood
Tallaabo muujinaysa awood kordhaysa
Tallaabo muujinaysa awood kordhaysa oo dowladda u yeelanayso in ay daboosho adeegyada bulshada aasaasiga ah wasiirku wuxuu xusay in dowladda ay u jeedisay dhaqaalaha bulshada danyarta ah, gaar ahaan kuwa ay saameeyeen cimilo-xummada iyo amni darrooyinka halkii ay ka bixin lahayd barnaamijyo deeq guud ah oo aan bartilmaameed lahayn dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa samaysay horumar ballaaran oo ku saabsan daah-furnaanta miisaaniyadda
Iyadoo qiimeynta ka qeybgalka iyo hufnaanta
Iyadoo qiimeynta ka qeybgalka iyo hufnaanta miisaaniyadda kor u kacday 3% sannadkii 2019 illaa 37% sannadkii 2023 dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay raadinayso lacag gaaraysa 6.3 bilyan oo dollar taas wax loogu qabanaayo isbeddelka cimilada. Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshaheedda qaran ee la qabsiga cimilada oo ku kacaya $6.3 bilyan, iyadoo sheegtay jin maalgelinta cimilada loo arko caddaalad ee aan loo qaadan gargaar
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in qorshahaan cusub uu diiradda saarayo la tacaalidda abaaraha, fatahaadaha iyo cunno-yarida, kuwaas oo si weyn u saameeyay dalka isla markaana Soomaaliya ay ka qeyb qaadato wax ka yar 0.019% qiiqa caalamka ee isbedelada cimilada qorsheyaalkan ayaa lagu sheegay inuu xoogga saaraya dhisidda iska caabinta cimillada sida digniinaha hore, beeraha casriga ah, adeegyada caafimaadka adkaysiga leh iyo kaabayaasha dhaqaalle oo waara, isagoo mudnaanta siinaya haweenka iyo dhalinyarada
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maalgelinta cimilada ee caalamka si aan sinnayn loo qaybiyo, halka dalalka nugul ay heleen wax ka yar 5% maalgelinta $1.5 tirilyan ee sannadkii 2022 ra’iisulwasaare ku-xigeenka wuxuu ku baaqay in la bixiyo deeqo badan, amaah yar, iyo maalgelin degdeg ah, isagoo xusay in dib u dhac kastaa uu sii kordhiyo dhibaatada dadka Soomaaliyeed ee ay cimiladda saamaysay ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay shirka COP30 ee isbeddelka cimilada
Kaas oo ka qabsoomay Magaalada Belem ee dalka Baraasiil, isagoo khudbaddiisa ka jeediyay halkaas ku adkeeyay baahida loo qabo in tallaabo degdeg ah oo caalami ah la qaado si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada saalax ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu nugul isbeddelka cimilada, islamarkaana ay abaaro soo laab-laabtay ka dhaceen, iyada oo aan qeyb ka ahayn wasakhowga hawada
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa carrabaabay qorshaha Soomaaliya ee NDC iyo Qorshaha La-qabsiga Cimilada, oo qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), kaas oo diiradda saaraya afar qodob: la-qabsiga, maalgelinta cimilada, khasaaraha iyo magdhowga, iyo isbeddelka tamarta nadiifta ah Qaramada Midoobay ayaa ku sheegtay fatahaadda ka dhacday Soomaaliya ay ka mid noqotay kuwiI ugu xumaa ee uu dalku arko muddo tobnaan sano ah
Waxay kaloo sheegtay in ilaa iyo hadda ay ku barakaceen dad ka badan 700 oo kun oo ruux roobab xoogan iyo daadad ayaa dilay dad aad u tiro badan, boqolaal kun oo kalena waxay ku barakaceen guud ahaan bariga Afrika bilihii la soo dhaafay, dowladaha iyo Qaramada Midoobay ayaa sidaas sheegay, taasoo hoosta ka xariiqday khatarta cimilada ee sii kordheysa ee ka jirta gobol siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ay ka jirto xassilooni darro
Ugu yaraan 179 qof ayaa ku dhintay dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa dowladda, waxaana qaar ka mid ah maamullada gobolka ay rumeysan yihiin in tiradan ay u badan tahay inay intaas ka badan tahay roobabkan mahiigaanka ah oo dhibaato u geystay dalal kale oo ay ka mid yihiin Burundi, Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Uganda, ayaa saameeyay in ka badan saddex milyan oo qof oo ku nool gobolka Geeska Afrika oo markii horeba la daalaa dhacayay abaartii ugu xumayd ee soo marta afartan sano
Laga soo bilaabo 2020, xaaladaha abaarta, oo ay uga sii dartay isbeddelka cimilada, ayaa xaalufiyay dalaggii iyo xoolihii oo ay malaayiin qof ku noqdeen gaajo iyo nafaqo darro, iyo boqolaal carruur ah oo dhintay Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay roobabka ka culus kuwii caadiga ahaa inay sabab u yihiin laba dhacdo oo cimilodeed: Dhacdada El Niño, oo asalkeedu ka yimid badweynta Baasifigga ee dhulbaraha, xaaladdeeduna waxay sii daynaysaa kulayl dheeraad ah oo hawada ah, iyo dhacdo la mid ah oo loo yaqaan Badweynta Hindiya
Fatahaada ayaa waxa ay waxyeelo gaarsiisay guryo, buundooyin iyo iskuulo, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka, kuwaas oo ka digay in ay sare u kacaan cudurro ay ka mid yihiin daacuunka iyo duumada Soomaaliya, oo fatahaaduhu saameeyeen 1.7 milyan oo qof, ayay dowladdu ku dhawaaqday xaalad degdeg ah bishii Oktoobar. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in waddanku uu wajahayo “daad-qarnigii hal mar.” Inta badan dadka ay dhibaatadu saameysey ayaa ku nool koonfurta dalka, halkaas oo roobab mahiigaan ah ay ku riixeen labada wabi ee waaweyn inay jabiyaan oo ay qariyaan guryo iyo beero
Daadad ayaa ilaa hadda la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 96 qof oo ay ku jiraan carruur sida uu sheegay Farxaan Jimcaale oo ah afhayeenka dowladda waan hurudnay markii ay biyuhu ku soo dhaceen gurigeena,” Faa’iza Axmed Faarax, oo ah hooyo haysata shan carruur ah oo ku nool magaalada Xudur ee Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, ayaa ku tiri wareysi khadka taleefanka ah. “Daadadka ayaa qaatay wax walba. Kaliya waxaan awoodnay inaan badbaadino carruurta
Iyadoo buundooyinka ay go’an yihiin iyo isku-xidhka waddooyinka oo aan la mari karin, mas’uuliyiintu waxay ka walaacsan yihiin inay awoodi waayaan inay si dhaqso ah u samatabbixiyaan dadka barokacay ama ay gaarsiiyaan gargaar cunto dalka Kenya, roobab xooggan ayaa dilay in ka badan 60 qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay kumannaan qof ayaa ku barakacay magaalooyin ku yaalla galbeedka iyo waqooyi-bari, sidoo kale, iyadoo dhammaan xaafadaha ay qarqiyeen bishan gudaheeda gobolka xeebta ah ee Mombasa, sida ay sheegtay Laanqayrta Cas ee Kenya

0 Comments