DF Soomaaliya oo heshiis kala saxiixdeen shirkadda gacanta ku hayso xogta sahminta shidaalka Somaliland

DF Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis kala saxiixdeen

 Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis kala saxiixdeen shirkadda sahminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee TGS-NOPEC oo fadhigeedu yahay dalka Norway, taas oo si gaar ah gacanta ku haysa xogta sahminta shidaalka deegaannnada Somaliland shirkaddan ayaa sanadihii dambe baaritaanno ka waday deegaannada Somaliland, isla markaana haysay xogta aeromagnetic-ka iyo inta badan xogta sahaminta shidaalka ee deegaanadaasi

Heshiiskan cusub oo ku aaddan in TGS ay iibin karto

Heshiiskan cusub oo ku aaddan in TGS ay iibin karto, bixin karto ama sii qandaraasi karto xogta shidaalka ku jira badda iyo dhulka Somaliland, taas oo horey shirkaddan sahmin xagga shidaalka ee deegaannada shirkaddan TGS oo oggolaansho sahmin ah ka haysatay xukuumadda Somaliland ayaa baaritaan dheer kadib waxay gacanta ku dhigtay xogta goobaha ugu badan ee uu ku jiro shidaalka dhulka Somaliland

Dowladda Soomaaliya oo haatan ku howlan

Dowladda Soomaaliya oo haatan ku howlan sidii ay u soo saaran lahayd ugana faa’iideysan lahayd khayraadkeeda dhulka, ayaa lagu wadaa inay xogtan u wareejin doonto shirkado Turkish ah oo qodaya shidaalka, maadaama Soomaaliya ay sannadkii hore heshiis lagu soo saarayo shidaalka kula gashay Turkiga, iyadoo lagu sheegay in xogaha soo saarista gacanta lagu hayo

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhowaan la sheegay xukuumadda Somaliland in ay wareejinaysa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kadib heshiis maalgelin oo ay Somaliland la gashay shirkad lagu magacaabo International Maharat Investment heshiiskan ayay Somaliland sheegtay inuu ku kacayo $70 milyan oo maalgelin ah, kaasi oo lagu sameyn doono garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa

Shirkada ayaa garoonka lagu wareejin doonaa bisha Janaayo ee sannadka soo socda, sida uu dhigayo heshiis ay xukuumadda Somaliland shirkaddan kula gaartay magaalada Dubai shirkaddan ayaa loo saxiixay in si buuxda oo madax-bannaan iyo qaabka ay doonto u maamuli karto garoonka, taas oo saameyn ku yeelan doonta guud ahaan maamulka iyo shaqaalaha garoonka diyaaradaha Cigaal. Heshiiskan ayaa weli si daah-furan loogu soo bandhigin bulshada reer Somaliland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Markabka kasta oo imaanaya gudaha Soomaaliya ku soo rogtay in uu soo gudbiyo liiska shixnadda uu waddo, isla markaana uu bixiyo canshuurta. Badeecad aysan dowladda Soomaaliya oggolaansho ka hayn lama soo qaadi karro lagama soo dajin karro dekedda magaalada Muqdisho, sida uu muujinayo sharci cusub oo dhowaan dhaqangelinaysa dowlada Soomaaliya

Arrintan ayaa imaanaysa xilli uu weli muran xooggan ka taagan yahay nidaamka E-Visa ee ay soo rogtay dowlada Soomaaliya dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadayso tallaabo ay ku adkaynayso gacan ku haynta xuduudaha badda ee dalka, isla markaana ay hal meel isugu geynayso maamulka iyo kormeerka guud ee ganacsiga caalamiga ah

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa soo saartay amar culus oo faraya in si degdeg ah loo dhaqan-geliyo nidaamka elektaroonigga ah ee raadraaca maraakiibta shixnadaha (ECTN) dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in ay dhaqan geliso nidaamka cusub ee Electronic Travel Authorisation (ETA), kaasoo si buuxda u xakameyn doona socdaalka rakaabyadda u duullimaadda gudaha Soomaaliya oo ay ku jiraan dhammaan garoomada caalamiga ah sida garoonada diyaaradaha Muqdisho, Garoowe, Boosaaso iyo Hargeysa

Nidaamkan ayaa la sheegay inuu si toos u dhaqan geli doono 27-ka Nofeembar 2025, isagoo si toos ugu xirnaan doonna nidaamka duullimaadyadda shirkadaha diyaaradaha ee Departure Control System (DCS) iyo hannaanka xog is-dhaafsiga rakaabka (API/PNR) sida ay muujinayaan xog dukumenti ah ay heshay Diblomaasi.com sidoo kale, markii la hirgeliyo ETA lama oggolaan doono in rakaab loo saaro diyaarad oo ku socota gobollada dalka ama garoomadda kale ee caalamiga ah ee gudaha Soomaaliya

Haddii aysan oggolaansho ka haysan nidaamka ETA ee hirgelisay dowladda Soomaaliya nidaamkan cusub ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ka caawinaya sidii ay ku arki lahayd xogaha socdaalayaasha sida – magacyadooda buuxa, taarikhda dhalashada iyo faahfaahinta baasboorka, taarikhda safarka, fiisayaasha hore, faahfaahinta tigidka iyo goobta uu ku socdaalaayo rikaabka

Khuburrada wax ka qora arrimaha duullimaadyada ayaa waxay tilmaameen in nidaamkan ka adag yahay fiisaha E-Visa Online, isla markaana uu saameyn weyn ku yeelan doono shirkadaha duullimaadyadda sida Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines, kuwaas oo ku adkaan doonto inay bixiyaan “boarding pass” illaa oggolaansho ka helaan dowladda federaalka ee nidaamka ETA

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan hirgelisay nidaam la magac baxay dal ku galka danabaysan, kaasoo dadka Somaliland u safraya qasab ku ah inay dal-ku-gal ka dalbadaan hay’adda hawada Soomaaliya, iyagoo isla markaas adeegsanaya mareeg internet ah. Sidoo kale, arrintaan ayaa la sheegay inay caqabad ku noqotay shacabka Somaliland, maadaama Somaliland ay si cad u diiddan tahay nidaamka E-Visa ee dal ku galka

Post a Comment

0 Comments