Pep Guardiola Oo Magacaabay Kooxda Premier League Ee Sida Weyn Uga Yaabisay Xilli-Ciyaareedkan.

Pep Guardiola

Guardiola ayaa ka hadlay arrinta kadib

 Guardiola ayaa ka hadlay arrinta kadib markii Manchester City 5-4 uga adkaatay Fulham Premier League Talaadadii. Waxa uu tilmaamay in kooxda ay tahay mid joogto ah si ay ugu guuleysato horyaalka kooxda Pep Guardiola ayaa ku soo dhowaatay Arsenal oo hogaanka haysa

Iyadoo kaliya laba dhibcood ka dambeysa kadib

Iyadoo kaliya laba dhibcood ka dambeysa kadib guushii Fulham, laakiin Gunners wali waxay hogaanka ku qaban karaan shan dhibcood haddii ay guul ka gaaraan Brentford habeenka arbacada Chelsea waxay iga yaabisaa maalin kasta, laakiin waxaa sugaaya safar dheer,” ayuu u sheegay wariyeyaasha kadib guusha

Premier League waa mid dheer, waxyaabo badan

Premier League waa mid dheer, waxyaabo badan ayaa dhici doona. Waxaan ku guuleysanay lix Premier League, afar ama shan markii aan bishii December, January ama February hoos u dhac dareemeynay oo aan aad u dambeynay kooxda ku guuleysaneysa Premier League waa kooxda kor u kac sameysa bil walba inta ka harsan horyaalka

Taas ayaana ah waxa aan isku dayeyno. Haddii dhaawacyo aysan jirin, waa safar dheer laakiin isla waqtigaas, haddii aan dadaalno, waxaan noqon doonnaa kuwo fiican, nafteennana aan riixno, xakameynaa xaaladaha iyo dareenka, waxaanan arki doonaa waxa dhaca

Post a Comment

0 Comments