Virgil van Dijk ayaa rumaysan kari waayay
Virgil van Dijk ayaa rumaysan kari waayay in Anthony Gordon markii hore loo taagay kaadhka dignitain ah ka hor inta aan ciyaarta laga saarin isaga oo uga mahad celinaya VAR kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay Newcastle kulan xiiso ayaa Liverpool Iyo Newcastle ku dhexmaray St James’ Park isniintii iyada oo Liverpool ku badisay 3/2
Ciyaarta waxa hadhaysay muran dib markii xiddiga
Ciyaarta waxa hadhaysay muran dib markii xiddiga Newcastle ee Antony Gordon uu khalad halis ah ku galay Van Dijk garsooraha ayaa markii hore digniin siiyay ka hor inta uuna ku laaban VAR isla markaas kaadhka cas loo taagin
Van Dijk ayaa sheegay in uu si cad u sheegay Gordon
Van Dijk ayaa sheegay in uu si cad u sheegay Gordon in ay si cad u ahayd kaadhka cas waxana uu su’aal galiyay sababta uu garsooruhu ugu baahday in uu sugo VAR si uu go’aan uga gaadho kaadhka cas
Waxaan ku idhi, “Haddii aysan ahayn casaan, ma fahmin kubada cagta,” Van Dijk ayaa u sheegay Sky Sports waxa ila tahay inay runtii ahayd wax lala yaabo in garsooruhu uu u baahdo VAR Nasiib darro arimahan ayaa ka dhaca kubada cagta. Haddii uu ula jeeday iyo in kale, way dhacday, waanu ka dhaqaaqnay. waa kaas
3 Comments
liverpool sanadkan iyadaa leh koobka
ReplyDeleteliverpool guul
ReplyDeletekulanka xiga waa adag yahay
ReplyDelete