Toddobaadkan Apple waxay samaysay tallaabadii
Toddobaadkan Apple waxay samaysay tallaabadii taariikhiga ahayd ee muddada dheer la sugayay si ay ugu oggolaato shirkadaha kale inay bilaabaan samaynta suuqa Apps-ka ee shirkadda taleefannada Iphone-ka tallaabadaan ay qasabtay shirkaddan weyn ee tiknooloojiyadda ayaa waxaa ka muujiyay sharcidejiyeyaal u Midowga Yurub ah walaacaas oo ku saabsan in ay shirkaddu ku haysato suuqa hab kelinimo ah go’aankan aya si weyn loola socday guud ahaanba caalamka iyadoo bilowgii aad loosoo dhaweeyay iyadoo loo arkaayay guul taariikhi u ah ganacsatada iyo macaamiisha reer Yurub
Laakiin sharciyada adag ee cusub ee Apple
Laakiin sharciyada adag ee cusub ee Apple iyo khidmadaha ayaa si weyn loo dhaleeceynayaa, iyadoo Spotify ay ugu yeertay "Baad Sharci-dajiyayaasha EU-da waxay rajaynayeen in sharcigooda isbeddelku uu dhiirigelin doono caqabadaha yaryar si ay u galaan suuqa faa'iidada badan ee iPhone [Shirkadda] Apple waxay leedahay waala furayaa, laakiin wali waxaa awoodda gacan ku haynta waxay u janjeedhaa talleefanada Iphone-ka ah”, ayuu yidhi Colton Adamski, oo horey u ahaan jiray Hacker iyo ganacsade ku nool meel u dhow Chicago haddana isku dayaya in uu sameeyo Apps-ka beddelka koobaad u noqon kara dukaamada taleefanadda Midowga Yurub
22-jirkan ayaa wax ka badan lix sano ku shaqeynayey
22-jirkan ayaa wax ka badan lix sano ku shaqeynayey dukaan App-ka iPhone oo aan rasmi ahayn. Waxuu ku qeexay ganacsigana ‘’nooc cawlan’’ taas oo ka dhigan in Apps-ka taleefanada Iphone-ka ee ka baxsan Midowga Yurub, uu samayn jiray ayka baxsanaan jireen sharciyada Apple. Isagoo ku shaqaynaayay in Apps-ka lagu diyaariyo App Store-ka meel ka baxsan maadaama ay mamnuuc tahay sidani
Habkaan oo loo garan ogyahyay, Side-loading, ayaa ah mid caadi ka ah taleefanada Iphone-ka balse ay mamnuucday shirkadda Apple tan iyo markii ay soo saartay Iphone, iyada oo ku dooday in ay khatar amaan tahay. Apps-ku waxay u baahanyahiin in la xaqiijiyo iyada oo la marayo Appstore ka rasmiga
0 Comments