Ganacsade Soomaaliyeed oo guul ka keenay halgan sharciyeed kadib cunsuriyad uu kala kulmay booliska Turkiga

Ganacsade Soomaaliyeed

Maxkamad ku taalla magaalada Ankara ee dalka Turkiga

 Maxkamad ku taalla magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa xukuntay in booliiska Turkiga ay takoor ku sameeyeen milkiile maqaayadeed oo Soomaali ah, iyagoo aqoonsaday midab-takoor lagu fulinayo tallaabooyin ka dhanka ah ganacsiyada ay leeyihiin dadka soo galootiga ah go’aankan ayaa daba socda dhacdooyin is xigxigay oo muujinayay nacaybka ka dhanka ah muhaajiriinta ee kusii kordhaya caasimadda Turkiga

Maxamed ciise cabdullaahi, oo ah milkiilaha

Maxamed ciise cabdullaahi, oo ah milkiilaha maqaaxida Somali Saab Cafe ee ku taal Kızılay, ayaa wajahay weeraro uga imanaya Booliska oo bilowday sannadkii 2021, taasoo keentay in la xiro ganacsigiisa laba makhaayadood ayaa Maxamed kaga xirmay tacaddiyada loo geystay iyaga iyaga, shaqaalaha iyo macaamiishaba taas oo ugu dambeyn horseedday in ay xirmaan labada makhaayadood ee kala ah SAAB iyo Somali Sofrasi

Markii dhaqaalihii dalku xumaaday, doorashooyinkuna

Markii dhaqaalihii dalku xumaaday, doorashooyinkuna soo dhawaadeen xilligii karoonaha kadib ayaa waxaa bilaabatay in si toos ah loo yidhaahdo Soomaalidu meesha haka guuraan,” ayuu yiri Maxamed oo sheegay in markii hore si fiican loo soo dhaweeyay balse nacaybka lagu kala ayu uku sifeeyay in marka dal dhaqaalihiisu xumaado, ay dadku , “si ula xiriiriyaan in ay ku lug leeyihiin dadka ajaaniibta ahi… marka maadaama ay Soomaalidu midab ahaan ka duwan tahay dadka Turkida ah iyo dadka kale ee Aasiyaanka ah sidaas ayey bartilmaameed ku noqdeen

Maxamed waxa uu raadiyay dacwo sharci ah waxana uu dacwad u gudbiyay hay’ada xuquuqul insaanka iyo sinnaanta ee Turkiga (TİHEK), taas oo markii hore wayday wax xadgudub ah si kastaba ha ahaatee, go’aankan ayaa maxkamad la horgeeyay, taasoo keentay go’aankan adag maxkamadda maamulka 5-aad ee Ankara ayaa ogaatay in falalka ay ku kaceen mas’uuliyiinta fulinta sharciga intii ay socdeen howlgallada ay ahaayeen kuwo isir naceyb ah. Cadeymaha muuqaalka ah ee uu soo bandhigay Maxamed Ciise ayaa muujinaya hadalo takoor ah oo ay sameeyeen saraakiisha booliiska waxayna xaqiijiyeen “dhaqankooda cunsuruyadda ah

Booliska Turkiga waxay nagu takooreen Soomaali baan nahay, taasna waxaa hadda lagu xaqiijiyey go’aan maxkamadeed,” ayuu yiri Maxamed oo Soomaaliya ku maqnaa tan iyo markii lagala noqday sharciga Maxamed ayaa ku sifeeyay in halganka sharciga ee ay galeen laba waxyaabood laga baran karo, “tan kowaad in la fahmo in dadka Soomaalida ahi wax iska dhicin karaan oo xuquuqdooda yaqaaniin raadsanayaanna, iyo tan labaad oo ah in dadka doonaya in ay ganacsi ka samaystaan Turkiga ay ogaadaan in sharcigii ay ganacsiga ku bilaabeen ee dalka ka jiray uusan hadhow iyaga ilaalin doonin

Post a Comment

0 Comments