Ciidamada dowlada Fedaraalka Soomaaliya
Ciidamada dowlada Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dad deegaanka ayaa xalay weerar qorsheysnaa ka fuliyay Saldhigyo maleeshiyaadka Al-shabaab ku lahayeen dhulka howdka ah ee u dhexeeya deegaanada Cali heelle iyo Ciid kuus ee gobolka Galgaduud weerarka ayaa ciidamada is kaashanaya waxay ku burburiyeen fariisimahii iyo gabaadyadii halkaasi ku lahayeen kooxda oo la tilmaamay in maalmahii lasoo dhaafay ay isku aruursanayeen
Saraakiisha hoggaaminayay howlgalka
Saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in weerarka ay ku dileen in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab waxa sidoo kale Saraakiishu sheegeen in howlgalkaan u jeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga deegaanadaan iyo ka hortaga khataraha ay maleegaan kooxda Al-shabaab
Saraakiisha ciidamada iskaashanaya waxay sidoo kale
Saraakiisha ciidamada iskaashanaya waxay sidoo kale xuseen inay sii wadi doonaan howlgallada noocaan oo kale ah ee ka dhanka ah Al-shabaab inta laga xasilinayo guud ahaan deegaanada gobolka Galgaduud
Gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamuka Galmudug waxaa mudo dheer ka socda howlgalada dowladda ku doonayso in kooxdu kaga xureyso guud ahaan deegaanada maamulkaas
0 Comments