Xiddiga kooxda Real Madrid, Kylian Mbappé
Xiddiga kooxda Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa ka hadlay warbaahinta kadib markii ay 2-0 kaga badiyeen Sevilla kulankii 17-aad ee horyaalka La Liga, kaas oo ka dhacay garoonka Santiago Bernabéu waa maalin gaar ah maadaama ay tahay maalintii dhalashadayda tan iyo yaraantaydii waxaan ku riyoon jiray inaan ciyaaro kulan xirfadeed maalinta dhalashadayda
Isla markaana aan u ciyaaro Real Madrid
Isla markaana aan u ciyaaro Real Madrid, oo ah naadiga aan ku riyoon jiray. Waan ku guuleysanay kulanka sababtoo ah aad buu muhiim u ahaa; hadafkeennuna wuxuu ahaa inaan sanadka ku soo afjarno natiijo wanaagsan isagoo ka hadlayay inuu bar-bareeyay rikoodhkii Cristiano Ronaldo oo ah ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa hal sano gudaheed oo ah 59 gool ayuu yidhi
Rikoodhkaasi waa mid cajiib ah. Tani waa sanadkii
Rikoodhkaasi waa mid cajiib ah tani waa sanadkii iigu horreeyay ee aan gaaro wax u dhigma guulihii Cristiano, oo ah halyeygayga, ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda Real Madrid iyo astaan caalami ah oo kubadda cagta ah waxaan rabaa inaan si gaar ah u salaamo, maadaama uu mar walba ii ahaa qof ixtiraam badan
Wuxuu had iyo jeer ku ammaanaa Real Madrid iyo sida aan ula qabsaday. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan goolal u dhaliyo Real Madrid isla markaana aan kulanka ku guuleysano

0 Comments