Isku aadka semi-finalka Carabao Cup
Isku aadka semi-finalka Carabao Cup ayaa la xaqiijiyay, iyadoo shan kooxood oo ka tirsan Premier League ay weli ku loollamayaan hanashada koobka lagu ciyaari doono Wembley horraanta sanadka dambe isku aadka wuxuu Chelsea ka hor keenayaa kooxda ku guuleysata kulanka u dhexeeya Arsenal iyo Crystal Palace, halka kooxda difaacaneysa koobka ee xilli-ciyaareedkii hore, Newcastle, ay wajihi doonto Manchester City
Chelsea waxay xaqiijisatay booskeeda afarta kooxood
Chelsea waxay xaqiijisatay booskeeda afarta kooxood ee ugu dambeeya kaddib markii ay iska caabisay isku-day soo laabasho geesinimo leh oo ay sameysay Cardiff City oo ka ciyaarta League One, kulankii habeenkii Salaasadii Kooxda horyaalka Club World Cup ku guuleysatay ayaa hoggaanka ku qabatay caasimadda Wales, ka hor inta aysan Bluebirds, oo kalsooni buuxda ku ciyaaraya heerka saddexaad, ciyaarta barbaro ka dhigin
Hase yeeshee rajadii ay ka qabeen guul taariikhi ah
Hase yeeshee rajadii ay ka qabeen guul taariikhi ah oo ay ku gaaraan hortooda taageerayaashooda ayaa burburtay markii Pedro Neto uu dhaliyay goolka guusha Kooxda Blues ee uu tababaraha u yahay Enzo Maresca ayaa hadda laba wareeg oo keliya u jirta inay ku guuleysato koobkeedii saddexaad wax ka yar 12 bilood gudahood Manchester City, oo tan iyo xilli-ciyaareedkii 2013/14 ku guuleysatay tartankan lix jeer, ayaa xaqiijisay u soo bixitaankeeda semi-finalka kaddib markii ay 2–0 ku garaacday Brentford garoonka Etihad habeenkii Arbacada
Pep Guardiola wuxuu doonayaa inuu ku guuleysto tartankan markii shanaad, balse si uu mar kale ugu laabto Wembley waa inuu ka gudbaa kooxda difaacaneysa koobka ee Newcastle, kulan laba lugood ah Magpies-ka ayaa soo afjaray sugitaankoodii dheeraa ee koob iyagoo ku guuleystay Carabao Cup-kii xilli-ciyaareedkii hore, kaddib markii ay Liverpool ku garaaceen muuqaallo xusuus mudan. Kooxda Eddie Howe ayaa sidoo kale hubin karta in sugitaankooda xiga uu noqdo hal sano oo keliya
Kaddib markii ay Fulham ku reebeen tartanka gool ay dhaliyeen waqtigii dhimashada Arsenal iyo Crystal Palace labaduba waxaa lagu daray isreeb-reebka oo uu sameeyay Jamie Redknapp iyo Shay Given waxay ahayd inay kulmaan toddobaadkan, balse waxaa lagu qasbay in dib loo dhigo ciyaarta sababo la xiriira ka-qaybgalka Crystal Palace ee tartanka Conference League
Marxaladda semi-finalka sidoo kale waxaa lagu ciyaari doonaa laba lugood, iyadoo lugta hore la ciyaari doono toddobaadka bilaabanaya 12-ka January, halka lugta labaadna la ciyaari doono saddex toddobaad kaddib, 2-da Februay intaas kaddib, dhammaan indhaha waxay ku wada jeesan doonaan Wembley finalka la ciyaari doono 22-ka March, markaas oo hal koox ay noqon doonto tii ugu horreysay ee xilli-ciyaareedkan qaadda koob

0 Comments