Shiinaha ayaa qaadaya talaabadii ugu horeysay
Shiinaha ayaa qaadaya talaabadii ugu horeysay oo ka dhan ah dalka Maraykanka xili labada dal uu ka dhex qarxay dagaal xagga ganacsiga ah dagaalkan ayaa waxa uu qarxay kadib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu canshuuro dheeraad ah kusoo rogay birta Shiinaha u dhoofiyo Maraykanka haatan shiinaha ayaa ganaax lacageed oo dhan 178.6% boqolkiiba kusoo rogaya beeralayda garoowga masagada ee dalka Maraykanka
Haruurkan ayaa inta badan loo dhoofiyaa dalka Shiinaha
Haruurkan ayaa inta badan loo dhoofiyaa dalka Shiinaha, waxaana loo dhigaa xoolaha, iyada oo sidoo kale lagu daro qamriga lasoo saaro Maraykanka ayaa horey ugu eedeeyay Shiinaha in ay ku dhaqmaan ficilo ganacsi oo xagal daacin ah, iyaga oo xitaa shirkadaha Maraykanka ku qasba in ay la wadaagaan sirta tiknoolajiyadda ay Maraykanka ku isticmaalaan, taas oo ka dhan shuruucda caalamiga ah ee ganacsiga Shiinaha ayaase todobaadkii hore ku dhawaaqay wax u eg in Maraykanka lagu qancinayo
Taas oo ah in marka la gaaro sanadka 2026-ka
Taas oo ah in marka la gaaro sanadka 2026-ka la ogolaan doono in shirkadaha shisheeye ay boqolkiiba boqol yeelan karaan ganacsiyada ay ku leeyihiin dalka Shiinaha ayaa dhanka kale ku eedeynaya Maraykanka in ay badeecooyinka qiimo ka jaban kan suuqa ku iibinayaan gudaha Shiinaha, taas oo ay sheegeen in ay dhaawacayso suuqa , beeralayda iyo warshadahaba
Maraykanka ayaa dhankiisa sii wada ciqaabta ganacsi eek a dhanka ah Shiinaha, todobaadkan waxa ay mamnuucis 7 sano ah kusoo rogeen shirkad kasta oo aalado ka iibisa shirkadda taleefoonada weyn ee Shiinaha wakiilada ganacsiga ee Maraykanka ayaa sheegay in ay darsi doonaan talaabada shiinaha ee ka dhanka ah haruurka, kana fikirayaan sidii ay u horgeyn lahaayeen Hay'adda Ganacsiga Adduunka ee WTO
2 Comments
Mareykanku aduunka ayuuba ka waalay
ReplyDeletemareykanku awood ayuu is biday waa in laga hortagaa
ReplyDelete