Ganacsatada ku sugan qeybta Bagaashka ee Suuqa
Ganacsatada ku sugan qeybta Bagaashka ee Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa si adag uga cabanaya dhul boob iyo barakicin ay sheegeen in si xoog ah loogu hayo, iyagoo tilmaamay in muddo ku dhow 50 sano ay goobahooda ganacsi ku shaqeysanayeen mid ka mid ah ganacsatada la hadlay warbaahinta ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay rag qowleysato ah u dirtay
Si ay ugu khasbaan ganacsatada inay ka guuraan
Si ay ugu khasbaan ganacsatada inay ka guuraan goobaha ay si sharci ah ugu ganacsanayeen sanado badan Waxaan nahay dad ganacsiyo ka dhistay suuqaan muddo dheer, Ma aqbaleyno in si xoog ah naloo barakiciyo, iyadoo la sheegayo in dhulku dad kale loo xeerinayo," ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatadaasi.
Waxaa la sheegay in ganacsatada lagu wargeliyay
Waxaa la sheegay in ganacsatada lagu wargeliyay in muddo shan maalmood gudahood ay uga guuraan, taasoo keentay in ay sameeyaan bannaanbax ballaaran oo ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha, kaasoo ah suuqa ugu weyn ee Soomaaliya, isla markaana ka mid ah suuqyada ugu waaweyn ee qaaradda Afrika.Arrintan ayaa si weyn waxaa uga hadashay Xildhibaan Faiza Jeyte, oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, Waxay sheegtay in maamulka degmada Howlwadaag iyo booliska gobolka Banaadir ay yihiin kuwii ka mas’uulka ahaa sugidda amniga, ilaalinta hantida iyo nafta muwaadiniinta, balse aysan ahayn kuwo qayb ka noqda barakicinta ganacsatada yaryar.
"Dhibka ka dhacaya Bakaaraha haddii aan si degdeg ah loo joojin, mas’uuliyadda waxa qaadi doona maamulka degmada iyo booliska gobolka, Suuqa Bakaaraha waa isha dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed, laguma badali karo dano gaar ah," ayay tiri xildhibaan Faiza.
Waxay intaas ku dartay in taariikhda iyo qiimaha uu suuqu leeyahay aysan ahayn mid lagu beddeli karo danaha shaqsiyaadka gaar ah ee dhaqaale raadiska ah
0 Comments