Ku dhawaad 10 ruux oo ku geeriyootay dagaal beeleed maanta ka dhacay Galgaduud

dagaal beeleed

Inta la xaqiijiyay ilaa 6 ruux ayaa ku geeriyootay

 Inta la xaqiijiyay ilaa 6 ruux ayaa ku geeriyootay dagaal beeleed waabarigii hore ee maanta ka dhacay deegaanka Meersiis oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud lixda ruux ee geeriyootay ayaa isugu jira maleeshiyaadka labada beelood ee saakay dirirtu dhexmartay, waxaana sidoo kale lasoo wariyay iney jiraan dhaawaca in ka badan 10 ruux oo kale oo ay ku jiraan dad shacab ah

Dagaalkaan ayaa dadka deegaanku sheegeen

Dagaalkaan ayaa dadka deegaanku sheegeen inuu yahay mid daba socday dilal dhawan ka dhacay meel u dhow deegaanka Meersiis, taasoo sababtay in xiisaddu cirka isku shareerto oo uu qarxo dagaal toos ah oo u dhexeeya laba beelood oo kasoo kala jeeda deegaanada Guriceel iyo Ceelbuur

Si kastaba ha ahaatee wali majirto wax war ah 


Si kastaba ha ahaatee wali majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalkaan khasaaraha badan geystay ee maanta ka dhacay deegaanka Meersiis ee gobolka Galgaduud

Dagaalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo marar badan sidaan oo kale deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulka Galmudug uga dhaceen dagaal beeleeyo sababay khasaarooyin kala duwan, waxaana xusid mudan in Galmudug ay muuqato iney ku fashilantay wax ka qabashada dagaal beeleedyada kusoo laab laabtay deegaanada maamulkeeda.

Post a Comment

0 Comments