Hadday iskaashadaan Robot iyo garaadka macmalka, ma qaban karaan shaqada bani'aadamka

Teknoloji, Technology

Gacmaheena ayaa sameeya kumanaan shaqooyin adag

Gacmaheena ayaa sameeya kumanaan shaqooyin adag ah maalin kasta, maka caawin karaa garaadka macmalka Robot-yada inay la tartamaan shaqooyinka aan caadiga ahayn ee bini'aadamka qabtaan? gacmaha bini'aadamka waa mid ka mid ah hormarsanaanta aan macquulka ahayn iyo habdhisnaanta qaybaha jirka bini'aadamku isula-falgalaan

Waxa ay leeyihiin 30 muruq ka badan

Waxa ay leeyihiin 30 muruq ka badan, 27 kala goys oo garab socda isku xirayaasha iyo seedo waxaa jira in ka badan 17,000 oo unugyada taabashada iyo neerfayaasha ku dhamaanaya calaacasha oo kaliya sifooyinkan ayaa u ogolaanaya gacmaheena inay qabtaan shaqooyin aad u adag oo quruxsan, iyada oo loo marayo dhaqdhaqaaqyo balaaran oo kala duwan

Laakiin arimahaasi mid kamid ah uma sheegi kartid

Laakiin arimahaasi mid kamid ah uma sheegi kartid Sarah de Lagarde. Bishii Agoosto 2022, waxa ay saarnayd meel buur ah. Waxa ay kortay buurta Kalimanjaro iyada oo la socota saygeeda, ladnaanna meesha ugu sareysa ka joogta. Laakiin bil ka dib, waxa ay aragtay iyada oo jiifta sariirta isbitaalka ayna soo gaareen dhaawacyo murugo leh.

Iyada oo ka soo laabatay shaqada, kuna socota guriga ayey De Lagarde ku simbiririxatay, kuna dhacday inta u dhaxaysa marinka tareenka iyo meesha dadku istaagaan marka ay raacayaan ee saldhiga High Barnet ee London, waxaa jabiyay laba tareen mid soo galayay iyo mid kasii baxayay saldhiga tareenka. Waxaa ay ku weysay gacanteeda midig inta ka hooseysa garabka iyo qayb kamid ah lugteeda midig.

Wakhti dheer oo soo kabasha ah kadib, waxaa uu adeegga caafimaadka qaranka Ingiriiska u soo bandhigay gacan sameys ah oo siisay wax yar marka loo eego dhaqdhaqaaqa caadiga ee gacanta. Waxaana badalka u muuqatay mid gacanta sameyskeeda xoogga saartay, laakiin aan shaqo badan qaban gacan dhab ah runtii uma muuqan, waxa ay ula muuqatay caruurtayda wax gurracan" ayay tiri Sarah.

Sagaal bilood oo ay ku dhibanayd inay qabato shaqada maalinlaha ayaa ugu dambayn loo soo bandhigay sheey isbeddel leh Aalad gacan ah oo ku shaqeynaysa battari adeegsanaysana garaadka macmalka ee AI (artificial intelligence), waxaa ay odorosaysaa dhaqdhaqaaqa ay doonayso iyada oo bixinaysa ishaarooyin koronto yar ah oo ay kasoo qaadayso murqaheeda

Wakhti kasta oo aan sameeyo dhaqdhaqaaq waa ay baranaysaa" ayay tiri Lagarde". Mashiinka waxa uu baranayaa si uu aqoonsado hababka iyo filashooyinka curiyaha AI, halkaasi oo ay ka bilaabayso sadaalinta wax uu noqonayo dhaqdhaqaaqeyga xiga horumarrada AI ayaa keenaya jiilasha mashiinada ay ku sii dhowaanayaan inay waafaqaan farsamo-badnida bini'aadamka

Post a Comment

3 Comments