Gabadhii ugu horreysay oo Fardafuul ah iyo sida ay ragga fagaarayaasha ugula tartanto

Dhaqaalaha, sport's

Shukri Cismaan Muuse waa fardafuul ragga Muqdisho

 Shukri Cismaan Muuse waa fardafuul ragga Muqdisho kula tartanta Fardaha, waxa ayna barashadiisa ku jirtay muddo saddax bilood ah Shukri Cismaan Muuse waxa ay ku dhalatay oo ay iskuul ka dhigatay magaalada Muqdisho, tan iyo yaraanteedii ayayna jeclayd Farda fuulista, muddo badan waxaa riyadeeda hortaagnayd caqabado ay ka mid yihiin inaysan jirin goobo lagu barto Fardo fuulista balse isku dayo iyo baadigoob badan oo ay u gashay inay hesho meel ay ka barato ayaa u suurtagaliyay in ay ka dhabayso riyadeeda

Waligeey tan iyo yaraanteydii illaa hadda ayaan jeclaa

Waligeey tan iyo yaraanteydii illaa hadda ayaan jeclaa Faras inaan wado laakiin waxaan is dhihi jiray Muqdisho malaha meel lagu barto, horayna uma arkin Fardana ma arki jirin,” ayay tiri Shugri Muuse Sidoo kale waxa ay sheegtay inay isku dayday sidii ay ku heli lahayd muddo badan iyadoo booqaneysay goob kasta oo Faras loogu sheego, inta badanna goobaha ay booqatay Fardaha jooga ayaa ah kuwo loogu talagalay dadka booqashada u yimid in ay sawirro ku galaan

Qaar kamid ah ehelkeeda iyo asxaabteeda 

Qaar kamid ah ehelkeeda iyo asxaabteeda ayaa sidoo kale ka caawinayay sidii ay ku heli lahayd goob lagu barto fardaha, muddo kadibna waxa ay ku guuleysatay inay hesho qoys farda ku dhaqda muqdisho sidoo kalena dadka bara xirfadda fardafuulka Kadib baadigoob badan oo ay ugu jirtay inay hesho meel ay ka barato Fardafuulista waa ay ku guuleysatay waxaana la soo gaaray maalin Shukri agteeda ku weyn oo ay u diyaarsan tahay inay Faraskii lagu tababari lahaa dusha ka fuusho.

Macalinkii barayay ayaa u sharraxay qaab fuulista faraska iyo qaab dhaqankiisa waxaana loo sheegay in ay is dajiso oo aysan muujin wax cabsi ah, sidoo kalena waxaa la tusay qaabka loo istaajiyo, qaabka loo fuulo iyo qaabab badbaado oo haddii uu xawaareeyo ama ay halis dareento isku badbaadiso.

Inkasta oo wax kasta loo sheegay waxaa jirtay jacayl fara badan iyo kalsooni nafeed oo ay qabtay waxa ayna ku dhiirratay inay faraska waddo, balse waxaa isla maalinkii koowaad ku dhacday wax aysan filanayn kadib markii uu la xawaareeyay Faraskii maalintii koowaad ee aan fuulay waxa aan aaminsanaa inaan ordisiin karo faraska, sidaas ayaana sameeyay balse waan ka dhacay, nasiib wanaag goobta ayaa ahayd meel bacaad ama carro ah oo dhib ima soo gaarin,” ayay tiri Shukri Cusmaan.

Tababarka ayay ku sheegtay inuu yahay mid aan sahlanayn mar kastana loo baahan yahay in qofka uu la socdo xaaladda iyo xawaaraha Faraska, sidoo kale waxa ay tilmaantay in barashada ay leedahay heerar sida in qofka la barayo sida uu ku fuuli lahaa, kadibna sida uu ku xakameyn lahaa Faraska oo taagan iyo ka dib in socod tartiib ah loo gudbo ugu danbeyna rucle socod iyo orod la baro qofka

Post a Comment

0 Comments