Muxuu ku taajiray ninkii alwaaxa ku seexanayay?

Ganacsiga

Mathias Mikkelsen wuxuu aad ugu dadaalayay

 Mathias Mikkelsen wuxuu aad ugu dadaalayay inuu dhiso ganacsigiisa, intii uu arrintaas ku gudajirayna wuxuu xitaa meel alwaax ah seexanayay muddo saddex bilood ah dabayaaqadii sanadkii 2013-kii, isagoo markaas ahaa 23 jir, ganacsadahan wuxuu si iskiis ah u go'aansaday inuu ka tago Norway, uuna aado magaalada Silicon Valley ee gobolka California, Mareykanka

Ujeeddadiisu waxay ahayd inuu taageero

Ujeeddadiisu waxay ahayd inuu taageero u helo sidii uu u billaabi lahaa fikraddiisa ganacsiga, taasoo ahayd barnaamij online-ka ku shaqeeya oo kuu sahlaya inaad wakhtigaaga maareysid(Timely) Laakiin markaas waxaa jiray hal dhib oo weyn, oo heystay ninkan u dhashay dalka Norway ma jirin hal ruux oo uu ka yaqaannay ilaa magaalada weyn ee San Francisco

Xilligaas, ma jirin qaab shirkad tiknoolojiyad

Xilligaas, ma jirin qaab shirkad tiknoolojiyad ah looga hirgaliyo dalka Norway, marka waxaan go'aansaday inaan aado Silicon Valley - oo ah caasimadda tiknoolojiyadda ee adduunka - arrintaasna waxaan u maleynayay inay tahay tallaabada ugu fiican ee aan qaadi karo", ayuu yiri Mathias laakiin qofna kama aqoonin halkaas. Sidaas darteed, markii aan diyaaradda ka dagay, indhaha ayaan kala furay

Waxa ugu horreeyay ee aan doonayay inaan sameeyana wuxuu ahaa sidii aan saaxiibbo u yeelan lahaa. Ka dib waxaan garwaaqsaday in sida ugu habboon ee saaxiib lagu sameysto ay tahay in dad lagula kulmo goobaha waxbarashada ama shaqada, anigana markaas uma soconin waxbarasho iyo shaqo toona

Ka dib markii uu si deg deg ah u dareemay cidlo, Mathias wuxuu helay qorshe waxaan go'aansaday inaan dago qolalka sida wadajirka ah loo kireysto, isbuuc walbana aan meel u guuro, si markaas ay iigu suurtagasho inaan saaxiibbo helo", ayuu yiri fikraddii noocaas ahayd way u shaqeysay Mathias, muddo bilo ah ayuuna si tartiib tartiib ah ugu dhistay saaxiibbo farabadan.

Laakiin caqabaddii labaad ee uu wajahay waxay ahayd sidii uu ku heli lahaa xarun ay si wadajir ah u kireystaan dad dhalinyaro ah oo doonaya inay fikrado ganacsi abuuraan halkaas waxaa laga heli karaa fursad la isku weydaarsado talooyin iyo xiriirro horseedi kara horumar

Bartamihii 2014-kii, wuxuu ugu dambeyn helay xarun noocaas ah oo ku taalla isla magaalada Silicon Valley, laakiin waxaa ka jiray dhib - dhammaan 15-ka sariir ee loogu talagalay goobtaas way buuxeen. Marka haddii uu rabo inuu xaruntaas ku biiro, wuxuu ku khasbanaa inuu seexdo kabar ka sameysan alwaax oo aan daaqado lahayn

Post a Comment

0 Comments