Emmanuel Wanyonyi waxa uu ku soo koray nolol
Emmanuel Wanyonyi waxa uu ku soo koray nolol aad sabool u aheyd tuulo ku taal galbeedka Kenya aad ayey u adkeyd noloshiisa maalin kasta iskuulka waxa uu ka tagay isagoo 10 jir ah. Saacado badan ayuu lo’da raaci jiray mararka qaar bishii wuxuu qaadan jiray in ka yar labo doolar wanyonyi wuxuu ahaa wiil la soo dhiigmiirtay. Mararka qaar waxba lama siineyn sidaa darteed wuu isaga tagi jiray shaqooyinka. Ugu dambeyn wuxuu qaaday 800 ee mitir olombikada kaddib markii hooy iyo cunto la siiyay
Nolosha adigoo carruur ah in aad xoolo raacdo
Nolosha adigoo carruur ah in aad xoolo raacdo way adag tahay” ayuu Wanyonyi u sheegay BBC Africa “Waxaan ku fakaray in aan shaqada isaga tago oo aan dib ugu laabto tuuladeyda balse waxaan soo xusuustay noloshii adkeyd ee iga dambeysay oo aan ka soo cararay markaan wax yar helo walaalahey ayaan u geyn jiray si ay u cunaan wuxuu ka mid ahaa qoys ka koobnaa 11 carruur ah wanyonyi jid kale uma furneyn oo aan ka aheyn in uu iskuulka ka tago maadama aysan qoyskiisa awoodin lacagta imtixaanada oo aheyd soddon senti ($0.30) ugu dambeyn waxbarashada ayuu ku soo laabtay kaddib markii oo xoogaa ka helay xoolihii uu raacayay markaas ayuu hami yeeshay kuna biiray ciyaaraha fudud
Ka dib waxaa si lama filaan ah oo degdeg ah
Ka dib waxaa si lama filaan ah oo degdeg ah u geeriyooday aabihiis oo ka shaqeynayay biyo xireenka ilaa iyo sanadkii 2018 iskuulka ayuu iga reebay, lacagtii maalintaa uu helayna wuxuu iigu iibiyay kabaha orodka” ayuu yiri Wanyonyi oo hadda 20 jir ah. Wuxuu kaloo Wanyonyi sheegay in aabihii uu ahaa sida qof la ceejiyay, nabarna uu ka muuqday madaxiisa maadama aan la baarin, waxa uu Wanyonyi sheegay in aysan qoyskiisa marna ogaan sababta geerida aabihiis
Maalintaas ayey adduunyo iigu darneyd. Xanuun ayey aheyd balse culeys kale ayaa i haystay, waxaan ku qasbanaa in aan degdeg u noqdo wiilkii reerka Kaddib geerida aabihiis, Wanyoni wuxuu sii watay oradkiisa si uu u caawiyo qoyskiisa. Dadka way la yaabeen sababtuna waxay aheyd deegaankiisa laguma aqoon ciyaartoy orda markii uu orodka bilaabay dadka waxay ka dhigteen qof ay ku qoslaan oo ay ku maadesytaan” ayey tiri Wanyonyi hooyadii Margaret Nasimiyu
Waan ilmeeyay oo ka murugooday balse wiilkeyga ayaa igu yiri, hooyo ha ooyin, maalin ayaan kuu iibin doonaa dhul, nolol fiican ayaad heleysaa waxay ila aheyd khiyaali balse Alle ayaa la jiray” ayey tiri ka dib markii uu iskuulka ku soo laabtay, Wanyonyi ma haysan kabo fiican oo uu ku ordo hadii aan kabo helo waa ku ordi jiray, hadaanan helina kabo la’aan ayaan ordi jiray caqabadihii uu yaraantiisa la kulmay Wanyonyi markii uu yaraa ayaa u saamaxay in uu ka gudbo dhibaatada, maskax ahaanna u adkeysto
0 Comments