Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo ka dhacday Jubbada Hoose

Dowladda Fedaraalka

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya

 Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay duqeymo culus oo ka dhacay deegaan 40 KM dhanka Waqooyiga Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta  lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo halkaasi isku aruursanaayay

Duqeyntan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah

Duqeyntan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo awoodda maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee qorsheynta iyo fulinta weeraro argagixiso oo khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

Warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya

Warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya laguma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynaha culus ee saacadahii lasoo dhaafay laga fuliyay deegaanka hoostaga Kismaayo, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka Taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM oo ku aadan khasaaraha duqeynta

Dowladda Federaalka waxay u mahad celineysa Taliska AFRICOM, waana sii wadi doona duqeymaha aan la beegsaneyno goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

Duqeyntaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo marar badan duqeymo noocaan oo kale ah ay si wadajir ah uga fuliyeen deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowladda Mareykanka ee AFRICOM oo Soomaaliya ka caawiya dhanka duqeymaha cirka ah

Post a Comment

3 Comments