Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed
Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ay wehlinaayaan Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Sahal Cabdullaahi Cumar, Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ku matala beesha Xawaadle ayaa maanta kulan gaar ah a qaatay Odayaasha dhaqanka ee magaalada Tardo ee gobolka Hiiraan
Kulankaan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray
Kulankaan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa dagaalka ka dhanka Al-shabaab ee ka socda deegaanada ku yaala xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe masuuliyiinta heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed isugu jira ayaa waxgaradka Tardo ka dalbaday in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo bulshada deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale si wadajir ah
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale si wadajir ah ugu bogaadiyay odayaasha dhaqanka doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin taageerida iyo garab istaaga ciidamada Qaranka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka waxgaradka magaalada Tardo ayaa dhankooda uga mahadceliyay madaxda dowladda Fedaraalka doorkooda ku aadan garab istaaga ciidanka Macawiisleeyda reer Hiiraan ee sanadahii lasoo dhaafay dagaalka kula jira Al-shabaab
Madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa mudo todobaad ah ku sugan furimaha hore ee dagaalka deegaanada dhaca xadka ay wadagaan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, kuwaas oo halkaas u jooga dardar galinta dagaalka ka dhanka Maleeshiyaadka Al-shabaab
0 Comments