Wasaaradda Gargaarka ee Dowlad-goboleedka putland
Wasaaradda Gargaarka ee Dowlad-goboleedka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday xaalad adag oo ka taagan deegaannada maamulkaasi, taasoo sababtay barakac, dhimasho xoolo, iyo kororka cudurro la xiriira biyo la’aanta warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in abaar baahsan ay ku dhufatay guud ahaan Puntland
Iyadoo xaalado aad u adag laga soo sheegayo
Iyadoo xaalado aad u adag laga soo sheegayo dhammaan gobollada iyo deegaannada maamulka qiimeyn la sameeyay ayaa muujineysa xaalad degdeg ah oo la xiriirta nafaqo-xumo sii kordheysa, gaar ahaan haweenka iyo carruurta ku sugan Puntland
Wasaaradda ayaa soo saartay baaq degdeg ah
Wasaaradda ayaa soo saartay baaq degdeg ah oo ku saabsan wax-ka-qabashada xaaladaha bani’aadanimo ee ka soo kordhay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Puntland ayaa baaq kasoo saartay xaaladda abaareed ee ka jirta deegaannada Puntland
Taasoo sababtay biyo la’aan baahsan oo saameysay dhammaan gobollada iyo deegaannada maamulka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka sidoo kale, wasaaraddu waxay farriin culus u dirtay hay’adaha samafalka, iyadoo ugu baaqday inay qaataan doorkooda, una gurmadaan qoysaska ay saameeyeen xaaladaha adag ee ka taagan Puntland
Wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa hay’adaha bah-wadaagta la ah ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadanimada inay ka qeyb qaataan sidii gargaar biyo-dhaan ah loogu sameyn lahaa dadka ay abaartu saameysay,” ayaa lagu sii daray bayaanka intaas waxaa lagu daray in
Wasaaradda ay ku hawlan tahay sidii looga hortagi lahaa khataraha ka dhalan kara abaaraha iyo yaraanta biyaha ee ka jira deegaannada Puntland ayaa hore ugu jirtay xaalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Daacish, waxaana hadda kusoo biiray dhibaato bani’aadanimo oo si weyn u saameysay bulshada deegaanka.
Si kastaba ha ahaatee, guud ahaan Soomaaliya waxaa laga soo warinayaa abaar daran, iyadoo roobabkii la filayay aysan di’in, arrintaasoo uga sii dartay kuleylka iyo xaaladda abaarta ee dalka ka jirta
0 Comments