Horjooge Bashiir Caadle iyo maleeshiyaad la socday oo duqeyn lagu dilay

Kooxda alshabaab

 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal culus iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan Masaajidka Cali Gaduud oo ay dhowaan soo galeen Al-Shabaab warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada Danab iyo saaxibada caalamiga ah

Isla-markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay

Isla-markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta inta la xaqiijiyey waxaa howlgalka lagu dilay illaa 15 xubnood oo uu ku jiro horjooge sare oo magaciisa lagu sheegay Bashiir Axmed Dhuxul, oo loo yaqaanay Bashiir Caadle waxaa kale oo howlgalka lau burburiyay gaadiid dagaal oo ay kooxda lahayd, sida lagu sheegay bayaanka maanta kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya

Duqeymo cirka ah oo ay iska kaashadeen

Duqeymo cirka ah oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamka iyo CXDS iyo howlgallo dhulka ah oo lagu dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan argagixisada. Sidoo kale, waxaa la gubay saddex gaari oo labo ka mid ah ay ahaayeen gaadiid dagaal, halka midka kalena uu ahaa Ambalaas oo ay u adeegsanayeen ujeeddooyin khaldan” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda

Horjoogaha la khaarijiyay ayaa ahaa Amiirka Dacwada ee Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna qayb ka ahaa abaabulka kooxda ee gobolkaasi inta lagu guda jiray howlgalka, waxaa la qaarajiyay Bashiir Axmed Dhuxul, oo loo yaqaanay Bashiir Caadle kaas oo ahaa Amiirka Dacwada ee Khawaarijta Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Bashiir Caadle ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu firfircoon ee ka qeyb qaata abaabulka iyo faafinta fikirka xagjirka ah, waxaana dilkiisa uu dhirbaaxo culus ku yahay hoggaanka kooxda Khawaarijta” ayaa la raaciyay qoraalka waxaa kale oo warsaxaafadeedka lasii raaciyay “Ciidamada geesiyaasha ah ee Danab ayaa weerarka si xirfadaysan u fuliye, iyagoo bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo ay argagixisadu ku dhuumaaleysanayeen

Kuna diyaarinayeen falal amni darro. Argagixisadii lagu beegsaday howlgalka ayaa ka cararay goobihii ay ku sugnaayeen, iyagoo halkaasi kaga tegay meydad badan howlgalladan ayaa waxaa looga hortagayaa weerarada gaadmada ah ee ay Al-Shabaab saldhigyada ciidamada dowladda, kuwaas oo marar soo laa laabtay

Si kastaba, Labada Shabeelle iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi

Post a Comment

0 Comments