Kooxda Al-Shabaab oo sii deysay shan oday oo ay afduubatay

Kooxda Al-Shabaab

Shan oday dhaqameed oo horay ay u afduubteen

 Shan oday dhaqameed oo horay ay u afduubteen maleeshiyada Al-Shabaab iyagoo ka sii safrayay deegaanka Wargaduud kuna sii jeeday magaalada Ceelwaaq ee gobolka Mandheera ee Kenya ayaa dib loo sii daayay saraakiisha dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay in madaxdan dhaqanka laga soo sii daayay magaalada Jilib ee gudaha Soomaaliya, Axaddii, April 6

Odayaal qayb ka ahaa wada-xaajoodyada

Odayaal qayb ka ahaa wada-xaajoodyada lagu sii daayay madaxda dhaqanka ayaa sheegay in shanta oday lagu wareejiyay odayaasha dhaqanka ee beesha Garre oo ku sugan magaalada Jilib, galabnimadii Axadda waxaa hadda socda qorshe lagu soo celinayo magaalada Ceelwaaq ee dalka Kenya wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa lagu waday inuu ka hadlo sii-deyntan xilli uu safar shaqo ku marayay gobolka Xeebta ee Kenya

Madaxda dhaqanka ee la afduubtay oo kala ahaa

Madaxda dhaqanka ee la afduubtay oo kala ahaa Maxamed Adawa, Maxamed Xasan, Maxamed Nuur, Guddoomiye ku-xigeenka deegaanka Ibraahim Gabow, iyo Guddoomiyaha Sare Cabdi Suraaw, ayaa la afduubay 3-dii Febraayo, hal maalin kahor safarkii Madaxweyne William Ruto uu ku tagay gobollada waqooyi-bari Kenya mas’uuliyiinta ayaa sheegay in madaxdan dhaqanka lagu samayn doono wareysi kooban kadibna lagu celin doono qoysaskooda

Madaxweyne Ruto oo maalintii xigtay afduubka ka hadlay magaalada Mandheera ayaa shacabka Kenya u xaqiijiyay in “shan oday dhaqameed oo laga afduubtay Mandheera ay si nabad ah dib ugu soo laaban doonaan dalka madaxweynaha ayaa cambaareeyay afduubka, isagoo ku tilmaamay tallaabo ay kooxdu ku dooneyso inay shacabka ku abuuraan cabsi. Waxa uu intaa ku daray inaanay dowladdiisu oggolaan doonin in kooxaha argagixisadu ay qalqal geliyaan gobolka

Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sugidda amniga dhammaan dalka Kenya, isagoo ballanqaaday in ciidamada ammaanka ay si adag ula dagaallami doonaan kooxihii falkaas ka dambeeyay madaxweynaha ayaa sidoo kale faray Taliye Ku-xigeenka Guud ee Booliiska, Gilbert Masengeli, inuu hoggaamiyo howlgallada gobolka, gaar ahaan dadaallada lagu soo celinayo madaxda dhaqanka ee la afduubtay

Bil kadib, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Raymond Omollo ayaa ku celiyay ballanqaadka madaxweynaha, isagoo sheegay in ay socdaan dadaallo qarsoon oo madaxda lagu soo sii daynayo kuwani waa madax dhaqameed u shaqeynayay dowladda, dhacdaduna waxay muujinaysaa in qofna uusan ka badbaadin karin amni-darrada,” ayuu yiri Omollo

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in kooxdu dalbatay madaxfurasho, inkastoo aan weli caddeyn haddii lacag la bixiyay iyo inta ay gaareyso dowladda ayaa wada-hadallada u adeegsatay hoggaamiyeyaasha deegaanka goobjoogeyaal iyo saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in madaxda dhaqanka la afduubtay iyadoo indhaha laga xiray kadibna gaarigooda lagu kaxeeyay dhinaca degmada Lafey

Weerarka ayaa ka dhacay meel ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya, taasoo muujinaysa in kooxdu xog hore u haysatay oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa madaxda dhaqanka odayaasha ayaa markii la weeraray waxay kusii jeedeen magaalada Mandheera, halkaas oo ay kaga qayb geli lahaayeen munaasabad uu joogay Madaxweyne Ruto

Howlgal gaar ah oo ciidamada Kenya doonayeen inay madaxdan ku soo furtaan ayaa fashilmay, kadib markii waddada ay mari lahaayeen lagu aasay miino dadkii la afduubtay waxaa ku jirtay haweeney la rumaysan yahay inay tahay gabadha mid ka mid ah madaxda dhaqanka, iyadoo dhammaantood loola tallaabay gudaha Soomaaliya

Afduubkani wuxuu kamid yahay dhacdooyin is-daba joog ah oo dhanka ammaanka ah oo ka dhacay gobolka xuduudka la leh Soomaaliya, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay joogto u fuliso weerarro bishii Diseembar ee sannadkii hore ayaa koox looga shakisan yahay Al-Shabaab waxay dileen darawal ka tirsan waaxda Dambi Baarista Kenya (DCI) oo ku sugnaa degmada Lafey, waxaana laga dhacay gaarigiisii dowladda Kenya ayaa wali wada dadaallo lagu doonayo in lagu sugo amniga isla markaana lagu xasiliyo gobolkaasi

Post a Comment

0 Comments