Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay howlgallo ay ka fulisay lix goobood oo lagu dilay in ka badan 80 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab sidoo kale howlgalladaan ayaa sabab u noqday in toddobaadkii tegay la xakameeyo oo si buuxda looga hor tago dhamaan weerarradii joogtada ahaa ee Al-Shabaab
Howlgallada ayaa ka dhacay deegaano ka kala tirsan
Howlgallada ayaa ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose iyadoona sidoo kale lagu burburiyey xarumo ay Shabaab ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed sida lagu sheegay warbixinta NISA howlgalka koowaad wuxuu ka dhacay deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose duqeymaha waxaa barbar socday howlgal toos ah oo ciidamada dhulka ee NISA ay fuliyeen
Waxaana lagu dilay 21 Shabaab ah howlgalka labaad
Waxaana lagu dilay 21 Shabaab ah howlgalka labaad wuxuu ka dhacay goob ay ku shirayeen horjoogeyaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku taalla aagga degmada Al-kowthar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaana lagu dilay dhammaan Horjoogeyaashii halkaas ku sugnaa, sida ay shaacisay NISA howlgalka seddaax wuxuu ka dhacay deegaanka Bursha Sheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe
Waxaana lagu khaarijiyay in ka badan 19 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab howlgalka afaraad wuxuu ka dhacay isla deegaanka Bursha Sheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaana lagu dilay, 17 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaas oo markii la beegsaday go’doon ku ahaa deegaanka, qaarkoodna ay qabeen dhaawacyo ka soo gaaray weerarkii hore.
Howlgalka shanaad ayaa ka dhacay deegaanka Aw-baalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu burburiyay tiro Mooto FEKON ah oo lagu soo raray miinooyin, iyada oo isla goobta lagu dilay, 7 xubnood oo Khawaarijta ka tirsanaa, sida ku cad war-saxaafadeedka NISA howlgalka lixaad ayaa ka dhacay meel u dhow degmada Al-kowthar
Xoogagga difaaca deegaanka ayaa weerar ku qaaday goob ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana weerarkaas kadib isla goobtaas duqeymo ka fulisay NISA waxaana lagu dilay 13 xubnood oo Shabaab ah dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay duqeymaha Al-Shabaab, waxaana toddobaadkii tegay dhacay duqeymo tixane ah, kuwaas oo lagu naafeeyey kooxda Al-Shabaab, una diiday jaanis ay ku soo abaabulaan weerarro kale
0 Comments