Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal
Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo goordhow ka qarxay galbeedka gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka dagaalka ayaa si gaar ah uga socdo deegaanada Jiicboor iyo Saax Quran iyada oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu kusii fidayo goobo horleh, isla-markaana ay jiraan khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawacba leh sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu salka ku hayo is qab-qabisi ka dhashay dhul oo u dhexeeyo labada beelood ee ku wada dagaalamaya halkaasi
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta gobolka oo ku aadan dagaalkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca
Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ay Mudug ka dhacayeen dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh, oo saameyn ku yesehay dadka deegaanka waxaa sidoo kale soconayo baaqyo iyo dadaallo lagu doonayo in nabad lagu kala dhex dhigo beelaha ku dagaalamaya galbeedka Gobolka Mudug dagaal beeleedyada ayaa ku soo laab laabtay gobollada Dhexe gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug
Waxaana jira heshiisyo horay loo gaaray oo mar dambe fashilmay Si kastaba, Dagaalladan ayaa loo arkaa kuwo saameyn kara gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda deegaannada maamul goboleedka Galmudug
0 Comments