Kooxda AlShabaab oo soo bandhigtay cududda maleeshiyaad-keeda ku sugan Puntland

Kooxda AlShabaab

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay

 Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay muddo dheer kaddib baahisay muuqaal dagaal-yahannadooda ku sugan buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, Puntland muuqaalkan cusub, oo ay fariimo dhiirrigelin ah ku direyso kooxdu, ayaa lagu faafiyay baraha internetka ee warbaahinta kooxda

Dagaal-yahannada muuqaalka kasoo muuqday

Dagaal-yahannada muuqaalka kasoo muuqday ayaa ballanqaaday in aysan joojin doonin dagaalka ay ka wadaan Puntland, iyagoo muujinaya sida ay uga go’an tahay inay sii wadaan weerarrada argagixisanimo muuqaalkan ayaa loo arkaa mid qayb ka ah ololaha ay Al-Shabaab ugu jirto xoojinta taageerada gudaha iyo qorista dagaal-yahanno cusub, iyadoo la og yahay in kooxda ay wajahayo cadaadis ka imaanaya dhinacyada ammaanka ee maamulka Puntland

Isku soo beegmidda muuqaalka cusub iyo qorshaha Puntland

Isku soo beegmidda muuqaalka cusub iyo qorshaha Puntland ee howlgalada buuraha Calmadow ayaa muujinaysa in kooxdu ay dareensan tahay halista ku soo wajahan, waxayna muuqaalka u adeegsanaysaa sidii ay u muujin lahayd in ay weli firfircoon yihiin ciidamada Puntland ayaa dhanka kale ka wada howlgallo xooggan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari

Kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo kooxda kale ee Daacish oo halkaas ku sugan, iyadoo la doonayo in la soo afjaro jiritaankooda inkasta oo maamulka Puntland uusan si rasmi ah uga hadlin muuqaalka cusub ee Al-Shabaab, haddana ilo-wareedyo amni ayaa sheegaya in kooxda ay isku diyaarinayso iska caabinta howlgallo laga yaabo in lagu qaado buuraha Calmadow.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhawaan sheegay in howlgalka buuraha Calmadow uu bilaaban doono marka uu soo dhammaado midka ka socda Calmiskaad, taasoo muujinaysa qorshaha dowladda ee ah in la tirtiro kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda gobolka.

Falanqeeyeyaasha amniga ayaa aaminsan in sii-deynta muuqaalladan ay qayb ka tahay istaraatiijiyad ballaaran oo kooxda Al-Shabaab ay ku raadineyso saameyn warbaahineed iyo muuqaal xoog leh oo ay kaga hortagto weerarrada lagu hayo

Post a Comment

0 Comments