Dagaal culus oo ka dhacay Galgaduud kadib weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen

kooxda alshabaab

Faahfaahino hor dhac ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus

Faahfaahino hor dhac ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Haamcaduur, oo hoos taga magaalada Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhaxeeya kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka ee Baxdo dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku uu bilaabmay kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah kusoo qaadeen Haamcaduur

Weerarkaasi ayaa sababay iska hor imaad xoogan

Weerarkaasi ayaa sababay iska hor imaad xoogan oo dhex maray labada dhinac, iyadoo rasaas culus la is dhaafsaday ciidamada deegaanka ee fadhigoodu yahay Baxdo ayaa si degdeg ah ugu gurmaday aagga lagu dagaalamay, iyagoo ujeedkoodu ahaa in ay ka hortagaan kooxda weerarka kusoo qaaday deegaanka, isla markaana ay sugaan ammaanka dadka deegaanka

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmig ah

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, balse wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in labada dhinacba ay khasaare kala kulmeen iska hor imaadka, inkastoo aan si rasmi ah loo caddeyn karin tirada dhimashada iyo dhaawaca deegaanka Haamcaduur ayaa muhiim u ah ammaanka guud ee gobolka Galgaduud

Maadaama uu ku yaallo meel istiraatiiji ah. Sidaa darteed, weerarro noocan oo kale ah ayaa marar badan lala beegsadaa si loo carqaladeeyo dadaallada amni ee ka socda gobolka muddooyinkii u dambeeyay, ciidamada Milateriga Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa waday howlgallo amni lagu xaqiijinayo, kuwaas oo ka socda deegaano dhowr ah oo ka tirsan Galgaduud. Howlgalladan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo amniga gobolka

Dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka ayaa wadajir ugu hawlan sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo xasiloonida guud ee gobolka, iyadoo la tixraacayo khataraha joogtada ah ee kaga imanaya kooxaha argagixisada ee isku dayaya in ay carqaladeeyaan nolosha shacabka

Post a Comment

0 Comments