Kooxda Al-Shabaab oo 10 sano kadib go’doonkii ka qaaday degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed

Kooxda Al-Shabaab

Wararka naga soo gaaraya Koonfur Galbeed

 Wararka naga soo gaaraya Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in 10 sano kadib Al-Shabaab ay haatan xayiraadda ka qaadeen degmooyin ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool oo ay horay u go’doomiyeen maleeshiyaadka kooxda sida aan ogaaday Al-Shabaab ayaa hadda cunaqabateynta ka qaaday degmooyinka Xudur, Waajiid, Diinsoor iyo Qansaxdheere oo kala tirsan labadaas gobol

Wararka ayaa intaasi ku daraya in degmooyinkaas

Wararka ayaa intaasi ku daraya in degmooyinkaas maanta iyo shalay ay gaareen gaadiidka nuucyadiisa kala duwan oo sida badeecado, kuwaas oo ay geeyeen ganacsato kasoo jeeda deegaankaas, waana markii ugu horreysay muddo ka badan toban sano arrintan ayaa wax badan ka beddaleyso xaaladdii adkeyd ee ka jirtay deegaannadaasi

Maadaama nolol adag ay wajahayeen shacabka

Maadaama nolol adag ay wajahayeen shacabka ku dhaqan halkaasi, sababo la xiriira xayiraadda ay muddada dheer ku hayeen kooxaha argagixisada, gaar ahaan Shabaab sidoo kale, sababta ka dambeysa arrintan ayaa lagu sheegay inay ku timid wada-hadallo dhex-maray waxgaradka deegaanka, ganacsatada iyo kooxda, iyaga oo isku afgartay in xayiraadda la qaado, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Warar kale oo madax bannaan ayaa sidoo kale ku warramaya in Al-Shabaab ay arrintan ka damacsan tahay qorshe kale, isla markaana xubnihii u joogay gobollada Baay iyo Bakool ay u daabushay furimaha dagaalka, gaar ahaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe shacabka ayaa dhankooda billaabay dabaal-degyo waa wayn oo ay kusoo dhoweynayaan cunaqabateynta laga qaaday, 

Waxaana baraha bulshada lagu baahiyay muuqaalo kala duwan oo laga soo duubay degmooyinka haatan laga qaaday go’ddoonka Baay iyo Bakool ayaa waxaa ay kamid yihiin meelaha ay muddada dheer joogaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana sidoo kale gobolladan ay kooxda ku leedahay saldhigyo waa wayn iyo xarumo maxkamadeed oo ay ugu yeeraan dadka shacabka ah.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Koonfur Galbeed oo ku aadan xayiraadda ay kooxda ka qaaday inta badan degmooyinka maamulkaas oo hadda gaadiidkii rarnaa ay gaareen, kuwaas oo badeecooyin kala duwan geeyay deegaannadaasi.

Go’doominta kooxda Al-Shabaab ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka dhalatay xaalado bani’aadanimo oo soo laa laabtay, waxaase la filayaa in qaadista xayiraadda ee kooxda ay haatan wax badan ka beddali doonto nolosha shacabka deegaannada maamulkaasi

Post a Comment

0 Comments