Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somalia
Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool wafdigan oo hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay hoggaanka maamulka iyo bulshada magaalada Laascaanood
Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo
Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulka SSC ku soo dhaweeyey wafdigaan, halkaas oo kulamo ay uga socdaan soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Laascaanood
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Laascaanood ayaa loo arkaa mid si cad u muujinaysa in dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay maamulkan ku-meel-gaarka ah inta lagu guda jiro safarka, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo qorshe is-dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya labada dhinac ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Laascaanood ay ku xiran yihiin 283 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, halka magaalada Hargeysa-na ay hayso 67 maxbuus oo kasoo jeeda dhinaca SSC ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku dhiirrigelin doonaa maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo inay dardar geliyaan habraaca dhismaha maamul goboleed rasmi ah oo si buuxda uga tirsan dowladda Federaalka. Arrintani waxay ka dhigan tahay tallaabo siyaasadeed oo muhiim u ah gobolka.
Kulammo gaar ah ayaa sidoo kale la qorsheeyay in Ra’iisul Wasaaruhu la yeesho odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda deegaannada Baran, Dahar, iyo Laas Qoray. Ujeeddada kulammadan ayaa ah in la dhiso is-faham siyaasadeed oo ku saleysan awood-qaybsiga iyo nabadgalyada deegaanka.
Mid ka mid ah yoolalka ugu waa weyn ee socdaalka ayaa ah in la dhagax dhigo ugu yaraan toban mashruuc oo horumarineed, kuwaasoo muhiim u noqon doona baahiyaha shacabka ee dhanka adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha nadiifta ah.
0 Comments