Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo casuumad u diray madax goboleedyada marka laga reebo Axmed Madoobe

xasan sheekh iyo maamulada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya baaqii Midnimada iyo Wadatashiga Qaran ee 31-dii Maarso 2025, ayaa casuumaad u diray madaxda dowlad-goboleedyada si ay uga soo qaybgalaan Golaha Wadatashiga Qaranka qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri Madashan uu Madaxweynuhu ku baaqay oo ku muddeysan 1-da ilaa 2-da bisha Maajo (May), ayaa muhiim u ah xaqiijinta midnimada qaranka iyo sidii wadajir loogu dhammeystiri lahaa howlgalka xoreynta dalka iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wadatashiyo

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wadatashiyo la yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed sida lagu xusay qoraalka dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in wada-tashi wada-shaqeyn iyo iskaashi lagu xaqiijiyo danaha Soomaaliyeed oo ay ugu horrayso xoreynta deegaannada ay weli haystaan argagixisadu dhammaystirka dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in casuumaadda

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in casuumaadda loo diray dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada, marka laga reebo madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe. Tani waxay waafaqsan tahay xogtii aan baahinay xalay taasoo sheegaysay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday in uu casuumo Axmed Madoobe

Sida aan xogta ku helnay Villa Somalia ayaa ku adkeysatay in la casuumayo oo kaliya madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada leh sharciyad dastuuri ah iyo awood go’aan-qaadasho. Waxay u aragtaa in Axmed Madoobe uusan haysan sharciyad go’aanka lagu reebay Madoobe wuxuu ka tarjumayaa mowqifka Villa Somalia ee ah in muddo-xileedkiisu dhammaaday taasoo sii adkeynaysa khilaafka ka taagan hab-dhismeedka federaalka ee dalk

Inkasta oo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada aysan ahayn kuwo cusub haddana waa markii ugu horreysay ee madaxweyne federaal ah si rasmi ah uga reebo hoggaamiye dowlad-goboleed ka qaybgalka shir qaran oo heer sare ah madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale diiday codsi uga yimid wakiillada beesha caalamka gaar ahaan Mareykanka oo ku saabsanaa in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay

Post a Comment

0 Comments